Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shalay ka dooday Arrinta Muragsan ee Dalka Somaaliya.

council.gif

United Nation

Halkaan ka akhri

New York (SomaliSwiss) 20.11.2007 

muragsan ee Soomaaliya ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in la dardar geliyo, lana sii wado qorshe macquul ah oo ciidamo ka socda Q.M, lagu geeyo dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqonayo dadaalada Qaramada Midoobay ay ka wado Soomaaliya, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Danjiraha Indonesia u fadhiya golaha amaanka ka dib kulan ay yeesheen Goluhu shalay oo isniinta aheyd.

Golaha ammaanka waxay war bixin kooban ka dhageysteen kaaliyaha xoghayaha guud ee Q.M ee dhinaca siyaasadda Heile oo kaga war bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Golaha ammaanka waxa uu muujiyay walaaca xoogan uu ka qabo xaaladda sii xumaaneysa ee Soomaaliya ee dhinaca amaanka iyo bani’aadnimada, waxaana uu golaha ku baaqay in gacan caalami ah oo laga geysto in wax looga qabto xaaladda bani’aadnimo ee Soomaaliya.

Golaha wuxuu ugu baaqay Soomaalida oo dhan in ay sameeyaan wada hadalo ay ku jiraan dhamaan kooxaha mucaaradka ku ah dowladda, si loo soo afjaro mushkiladaha ka oogan Caasimada

Xoghayaha Guud ee Q.M ayaa horaantii bishan sheegay in aysan suurto gal aheyn in ciidamo ka socda Q.M loo diro Soomaaliya, isagoo sheegay in xitaa aysan surto gal aheyn in koox qiimeyn ah loo diro dalka Soomaaliya.  

SomaliSwiss Wakaaladaha Caalamiga ah 

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: