Ciidamo ka amar qaata Maxamed Dheere oo albaabada isugu dhuftay Hey´ada Elman Human Right ee Magaalada Muqdisho.

Sudan Ali, the chairman of Elman Human Right

Elman Human Right 

 Halkaan ka akhri

Ciidamo ka amar qaata Maxamed Dheere oo albaabada isugu dhuftay Hey´ada Elman Human Right ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka amar qaata Maxamed Dheere Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa goor dhaweyd al baabada isugu dhuftay xarunta Hey´ada Elman Human Rights, ka dib markii Maxamed dheere uu hey´ada ku eedeeyay in ay la shaqeyso xoogagga ka soo horjeeda joogitaanka  Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo  Siyaasada Dowladda KMG ee ku sugan Magaalad Muqdisho.

Ciidamadaan ka amar qaata Guddoomiyaha Maxamed Dheere ayaa Saacada marki ay aheyd 10:00AM ee xiliga Muqdisho ay xoog ku soo galeen xarunta Hey´ada Elman Human Rights ee ku taala isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Dheere ayaa ku eedeeyay Hey´adda Elman Human Rights in ay lashaqeyso Xoogaga kasoo horjeeda Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo Siyaasadda Dowladda KMG ah.

Sidoo kale Afhayeen u hadlay Hey´adda Elman Human Rights ayaa sheegay in waxa loo xiray Hey´addooda ay sabab u tahay in Hey´adda Elman Human Rights ay ka hadashay Xasuuqa shacabka ay u geysteen Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya ee Dowladda KMG ah oo illaa iyo hada Shacabka Soomaaliyeed ku haya xarig iyo Xabsiyada oo lagu ciqaabo dadka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: