Rag ku hubeysnaa Baastoolado oo galabta Sadex Askari oo katirsan Ciidamada Dowladda ku dilay Xaafada Towfiiq ee magaalada Muqdisho.

Somali Police

Boliska Dowladda

 Halkaan ka akhri

Rag ku hubeysnaa Baastoolado oo galabta Sadex Askari oo katirsan Ciidamada Dowladda ku dilay Xaafada Towfiiq ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ku hubeysnaa Baastoolado ayaa Xaafada Towfiiq ku toogtay 3 ka mid ah ciidamada Boliska Dowladda KMG ah oo ku suganaa Xaafada Towfiiq xili ay xaafada ka wadeen baaritaano.  

Sida uu noo xaqiijiyeen mid kamid ah dadka deegaanka oo sheegay in marki ay ciidamadaasi hubeysnaa dileen sadexdan Askari ay isaga tageen goobtaasi.

Sidoo kale goobjooge ku sugnaa xaafada Towfiiq ayaa sheegay in kooxahan hubaysnaa ay dil u gaysteen 3 kamid ah Ciidamada Boliska Dowladda KMG.  

Raggan dilay 3da Askari ayaa ahaa 2 nin oo ku hubeysan bistoolado iyagoo toogtay 3 ka mid ah Boliska oo iyagu dhac ka geysanayay qayba ka mid ah Xaafada Towfiiq.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa soo gaaray Ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa Dowladda & kuwa gumeysiga Ethiopia si ay u qafaashaan dhalinyarada iyo raga ku sugnaa xaafada Towfiiq, isla markaana dhaliyarad xaafada Towfiiq ayaa bilaabay inay ka cararaan Xaafadahooda iyagoo ka cabsi qabay in Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay qabqabtaan. 

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: