Nin madax ka ahaan jiray Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo saacadaha soo socda loo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Baydhabo

RW Cusub

 Halkaan ka akhri

Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu saacadaha soo socda u magacaabayo xilka Ra’iisal Wasaarenimada Nin madax ka ahaan jiray Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

Ninkani oo lagu magacaabo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa la sheegayaa in uu taageero ka heysto Dowladda Mareykanka iyo Wadamada Reer Yurub, kuwaasi oo la sheegay in ay madaxweyne C/llaahi kala hadleen mar uu dhawaan Nairobi booqday in uu ninkaas u magacaabo Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya mudada labada sano ah ee ka harsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Nuur Cadde ayaa waxaa uu ka mid ah yahay Aqoonyahannada Dalka Dibaddiisa ku maqnaa mudadii 17-ka sano ee aynu ka soo gudubnay, inkastoo uu waqtiyo kooban booqasho ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu ka tirsanaan jiray Saraakiisha Ciidamada Dowladdii hore ee Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Booliska, walow uu muddooyinkan dambe ahaa nin ka shaqeeya Arrimaha Gargaarka Bsani’aadannimada, isagoo fadhigiisa uu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu saacadaha soo socda ku dhawaaqayo magacaabista Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee maalmahan sida weyn loo sugayay, iyadoo ay xusid mudan tahay in madaxweynaha ay ka sii dhamaaneyso mudada uu u heysto in uu ku soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Horay waxaa xilka Ra’iisal Wasaarenimada u daneynayay in ay qabtaan xubno ka soo jeeda Beesha Hawiye oo qaarkood ay ku jiraan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere), halka ay jiraan kuwo kale oo aan Baarlamaanka ku jirin.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maalmahan waday la-tashiyo uu la yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Beelaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu kala hadlayay in marka uu soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha aysan la imaanin khash-khashaad iyo in ay yiraahdaan waan kugu celinay Ra’iisal Wasaaraha aad soo magacawday iyo Xukuumadda uu soo dhisay, sida ay sameeyeen markii ugu horeysay ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Sourse Hiiraan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: