Idaacaddaha Muqdisho inti furneyd oo Maanta hawada faarujiyay si ay u muujiyaan xaq darada ay ku xiran yihiin Idaacadihii kale, xili dowlada KMG ay u xiran yihii 3-Idaacadood.

Somali Radios

Idaacadaha Muqdisho

 Halkaan ka akhri

In kabadan Sedax Idaacaddood oo ka shaqaynayay Magalada Muqdishoa ayaa Maanta go’aansaday in ay joojiyaan howshii warbaahineed oo ay u hayeen Shacabka Soomaaliyeed si ay u muujiyaan dhibatada lagu Hayo warbaahinta madaxa bannaan ee ka howl gasha Magaalada Muqdisho.

Kulan balaaran oo ay Maanta isugu yimaadeen Maamulyaasha Idaacaddaha Qur’aanka kariimka iyo Hornafrik ayay isla garteen in Idaacaddaha Muqdisho lademiyo Mudo 24-saac gudahood ah laga bilaabo 3:00 galabnimo Xiliga Mudisho si ay dhibaatadooda ula qaybsadaan idaacaddihii horay loo xiray oo kala ahaa Shabelle, Banaadir iyo Simba.

Lama oga in dowladda KMG Soomaaliya ay shaqadoodii dib u fasixi doontaan Warbaahinta madaxa bannaan ee ka howl gasha magaalada  Muqdisho iyo in ay sii xiraan doonaan intaba.

Si kastaba ha ahaatee waxaa magaalada Muqdisho isaga soo baxay inta badan wariye yaashii ka howl gali jiray ama u shaqeyn jiray Idaacadaha madaxa bannaan ee ka howl gala magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: