Dadkii ka barakacay Muqdisho oo mar labaad lagu qasbay inay ka guuraan inta u dhaxeeyso Siimanka dhaa-dheer ilaa degmada Afgooye.

dad-buushash.jpg

Ceelasha Biyaha

Halkaan ka akhri

Muqdisho Isniin ( SomaliSwiss ) 19.11.2007 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dadkii ku sugan Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ahaa kuwii horay Muqdisho uga soo cararay dhibaatooyinka dagaalada iyo howl galada ayaa hada u muuqda kuwo la soo deristay Cabsi hor leh, waxayna maanta bilaabeen qax cusub iyo kala carar xoogan, ka dib markii shalay gelinkii dambe halkaas qarax lagula beegsaday Ciidamo gaari saarnaa oo ahaa Ilaalada Maxamed Dheere oo ay ku dhinteen ilaa afar ka tirsan Ilaaladiisa iyo 3 ruux oo rayid ah oo ay ku dhinteen rasaastii ay fureen Ilaaladii saarneyd gaariga.

Warku wuxuu intaa raaciyey in dadka barakaca ka bilaabay ceelasha biyaha ayaa Saakay la arkayey in buushashkooda ku yiilay hareeraha laamiga ay fuqsanayeen, waxaana qoysaskii deganaa ay u guurayeen gudaha Gobolka Sh/hoose, waxeyna cabsida ugu weyn ay ka qabaan in Howl gallo cusub uu ka bilowdo Deegaankaas.  

War kale oo goor dhaw naga soo gaaray isla goobtaas ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan oo Ethiopian ah fariisan ka sameysteen inta u dhaxeysa Siinka Dheer iyo Ceelasha Biyaha.

Degaanadaas ayaa waxay yihiin halkii ay degeen dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho kadib dagaalkii faraha looga gubtay ee toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Xamar.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopian fariisankan cusub ee ka sameysteen degaankaas dadka barakacay degan yihiin ay ka dambeysay kadib markii shalay halkaasi lagu weeraray Ciidamo Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasina ay tahay wadadaas marinka kaliya ee isku xira Ciidamada Ethiopia jooga Bakool, Baydhabo, Gedo iyo kuwa Muqdisho. Sidoo kale wadadan waxay muhiim u tahay Dowladda Federaalka maadama dowladda u dhaxeyso Baydhabo iyo Muqdisho. Waxaase muuqata hadda in qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho loo wareejiyay halka ay ku sugan yihiin kumanaanka kun ee ka barakacay Magaalada Muqdisho.

Waxaase la garanaynin meesha xigta ee ay u qaxi doonaan dadkii ka barakacay Muqdisho oo kumanaanka kun oo hadda dhibaatada xun ay ku haysa agagaarka Ceelasha Biyaha iyo degaano kale.  

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho 

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: