Banaanbax aad u ballaaran oo looga soo horjeeday xasuuqii shacabka Soomaaliyeed oo maanta Ka Dhacay Magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Mudaaharaad Sweden

Daawo Sawirada

 Halkaan ka akhri

Maanta oo ay Taariikhdu Ku beegneyd 19. Nov. 2007 Ayaa waxaa dalkan Sweden Caasimadiisa Stockholm ka dhacay isu soo bixii ugu balaarnaa ee ka dhaca qaarada Yurub Loogana soo horjeedo Xasuuqa ka dhacay amaba ka dhacaya Somalia ee ay geeysanayaan Ciidamada Cadowga ah ee Ethiopia.

Waxaa ka soo qaybgalay dad lugu qayaasay 900 oo ruux Soomali ah kuwaas oo watay Hal kudhigyo muujinaya Tacadiyo loo geysanayo dadka aan waxba galabsan ee ah shacbiga Soomaaliyeed .

AAWAY BEESHII CAALAMKA ?
ETHIOPIA HA KA BAXDO GAYIGEENA SOMALIA.
DHAMAANTEEN WAXAANU KU MIDEYSANAHAY ISBAHEYSIGA DUB U XOREEYNTA IYO DIB U SOO NOOLEYNTA SOOMAALIYEED.
BUSH ISKU XISHOO HADII XISHOOD KUGU DANBEEYO.

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay Masuulka ugu sareeyay guddiga Qabamnqaabada Banaabaxan Drs Amina Siciid ( xoriyo) oo halkaasi ka jeedisay qudbad iyo buraanbur ku aadan Xasuuqa Somalia ka socda isla markaana Jeedisay Qudbad Gumeysi diid ah.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Xaghaya Arimaha Bulshada ee Ururka Dib U Xoreynta Iyo Dib U Soo Noolenta Somalia. Suldaan Garyare Oo sharaxaad dheer ka bixiyay Qaabka Gusmeysigu Somalia Ku soo galay Iyo Qaabka istaraatijiyad ee looga bixin karo Isla Markaana Wuxuu Muujiyay Kalsooni iyo Guul Deg deg ah.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Halgamaa Sare Maxamed Cumar ( Axyaa Wadani) oo Sharaxaad Tayo leh ka bixiyay Sidii loola dagaalamay Gumeysigii , Kaalintii Shacabka ka qaatay Isagoo shacbiga Soomaaliyeed ugu Baaqay Midnimo Iyo Wax wada Qabsi Isla Markaana Xasuusiyay Dadweynaha in Gumeysigii Talyaaniga sababta Somalia uga Baxay ahayd Isku duubnidii Ay muujiyeen Dadka Soomaliyeed,

Sidoo Kale Qoraaga Soomaaliyeed Dr Ali Axmed Hiraabe ayaa isna Halkaa ka Jeediyay Qudbad Dadka Ka ilmeysiisay iyo waliba Shiribyo Qiimo Leh .

Lakin Arinta xusida Mudan manta waxa ay eheyd in isu soo baxan ay ka qaybqaateen Dadyoowga Sweden iyo Reer Eratrea oo buuxdhaafiyay Baxada weyn ee CERGELS TORG Iyagoo Ruxayay Calamada Eratrea,Sweden Iyo Somalia.

Waxaan U hadlay Miss Asmira iyo Dr kamal oo sheegay ineey garab taaganyihiin walaalahooda Soomaaliyeed ayna la Xauunsanayaan,

Markii ugu horeysay ayay ahayd in manta la arkay dadka reer Sweden oo ka qaybgalay banaabax iyaga oo sheegay Ineey la Xanuunsanayaan Shacab aan waxba Galabsan ee Lagu garaacay Taangiyda Milatariga ee Ithiopia isla markaana loo diiday in la gaarsiiyo Gargaar bin adam-nimo.

( Dhab ahaantii Anigu Somali Waxan ka soo shaqeeyay 1984-1986 Waana dal aan jeclahay Maanta waxa ka socda ma ahan wax indhaha laga qarsan karo ) ayay tiri Bergeta oo ka mid ahayd shacabka reer Sweden ee ka Qaybqaatay Banaabaxan.

Iskusoo Wada duuboo Maanta shacabka Soomaaliyeed eek u nool dalkan Sweden Guud Ahaan Waxa ay Muujiyeen ineey la xanuunsanayaan walaalahood soomaliyeed ee la xasuuqayo lagana barakinayo isla markaana aan heysan biyo iyo Baad Toona.

Sourse Dayniile

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: