Gud. Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo Magaalada Asmara ku soo gebagebeeyay Tababar dhinaca Saxaafadda ah.

Sheekh Shariif

Tababar Saxaafadeed

 Halkaan ka akhri

Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha G.fulinta Sheekh Shariif Sh.Axmed ayaa galabata ku soo gababgabeeyey magaalada Asmara ee dalka Eritrea tababar lagu baranayey aqoonta saxaafadda, kaasi oo muddo toban maalmood ah ka socday magaalada Asmara.

Guddoomiyaha oo hadal gaaban ka jeediyey munaasabaddaas waxa uu ka waramay baahida loo qabo in ay maanta warbaahinteenu kaalin hormuudnimo ka qaadato dadaalka loogu jiro dib u xoreynta dalka. Sheekh Shariif Sh.Axmed waxa uu ku booriyey ka xubnaha dhameystay tababarka inay aqoonta ay kororsadeen uga faa’iideeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee la il daran dhibaatooyinka isa soo taraya ee sida uu yiri ay dalka Soomaaliya gudahiisa ka wadaan Ciidamada Cadawga iyo dabadhilifyadooda.

Guddoomiye Sheekh shariif waxa uu ka warbixiyey waxqabadka xafiisyada kala duwan ee Isbahaysiga mudadii uu dhisnaa, waxa uuna sheegay in wada jirka, iskaashiga iyo wada shaqeynta wanaagsan ee yihiin arrimo muhiim u ah xaqiijinta qorshe hawleedka Isbahaysiga, waxa uuna ugu yeeray mas’uuliinta xafiisyada inay sii kordhiyaan dadaalkooda iyo waxqabadkooda si shacabka looga dulqaado masaa’ibka ku habsaday ee ay u soo horkaceen kuwo cadawga ummadda u adeegaya, waxaa uuna farata ku fiiqay sida cad ee kitaabka iyo sunnaduba uga hadleen hagaajinta iyo horumarinta howlaha shacabka loo hayo.

Gabagabadii Sheekh Shariif waxa uu shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ugu yeeray inay cadwgooda u midoobaan, muqaawamadana hiil iyo hooba la garab istaagaan, si ay u suurtagasho in dalka iyo dadkaba laga xoreeyo Ciidamada Ethiopia ee ku soo duulay.

Munaasabadaasi waxaa erayo bogaadin iyo dardaaran isgu jira ka soo jeediyay guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga Shariif Xasan Sh. Aadan, isaga oo hoosta ka xariiqay sida loogu baahan yahay in la sii dardargeliyo waxqabadka xafiisyada kala duwan ee Isbahayiga.

Shariif Xasan Sh. Aadan waxa uu u mahadceliyey xafiiska warfaafinta oo tababarkan soo diyaariyey iyo intii kale ee gacanta ku siisay meelmarinta iyo najaxintiisa, waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay mar kasta in aan isha ku hayno waajibaadka ballaaran ee aan Ummadda u qaadanay iyo sidii aan uga mira dhalin lahayn.

Munaasabaddan oo si aad u heersareysa loo soo abaabulay waxaa madaxda ka hor halkaas ka soo jeediyey erayo isugu jira soo dhaweyn, warbixin iyo bogaadin masuuliinta kala ah: Cusmaan Libaax oo ah ku xigeenka Xafiiska Warfaafinta, Suleymaan Colaad Rooble oo ah Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Golaha Dhexe ee Isbahaysiga iyo Jaamac Maxamed Qaalib oo ah guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga.

Gabagabadii tababarkan Guddoomiyaha Isbahaysiga Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga waxay si wada jir ah dhambaal tacsi ah ugu direen Allaha u naxriistee eheladii ay ka geeriyootay Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal) iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, waxayna fal dambiyeedka lagu dilay Madiino oo caan ku ahayd wax u qabashada iyo u gargaaridda bulshada dhibaateysan ay dusha uga tuureen Ciidamada Ethiopia oo shacabkii Muqdisha soo barakiciyey kadib markii ay dil, dhac iyo burbur baahsan u geysteen intii ka badbaadayna ay iska hortaageen in ay gaarto hawlaha samafaleed ee lagu gargaarayo.

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA WARFAAFINTA
IYO WACYI GALINTA ISBAHAYSIGA DIB-U-XOREYNTA SOOMAALIYA

Suleymaan Colaad Rooble

suleimanolad@gmail.com

Asmara Eritrea
+2917159380

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: