Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo la wareegay Gurigii Xildhibaan Maxamed Qanyare ee Xaafadda dayniile.

ethop.jpg

Guriga Qanyare

 Halkaan ka akhri

Ciidamo fara bada oo Ethiopian ah oo ku hubyasan gawaarida dagaalka iyo Taangiyo ayaa saaka Subixii ku kalahay Xaafado katirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdishgo si ay baaritaano uga sameeyaan gudaha xaafadda dayniile.

Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa la sheegay in ay xarun dagaal ka samaysteen Xaruntii uu Xildhibaan Maxamed qanyare Afrax ku lahaa Xaafada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Nin goob jooga ahaa ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Ethiopian-ka ah ay bililiqo xoogan ka gaysteex guriga Xildh. Maxamed Qanyare Afrax, iyagoo la wareegay Lacago iyo baabuur lagu waardiyaynayay Xildhibaanka.

Intabadan Xaafadaha ay ka koobantahay degmada Dayniile ayaa maanta faaruq ah kadib markii ay dadkii deganaa ka carareen iyagoo ka baqanayay in ay u gacan galaan Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo Maalmahan dambe la soo baxay dhaqan aan lagu aqoon oo ah qoor goys.

Sida la rumeysan yahay Ciiddamadda Ethiopianka ee farriisinka ka dhigtay Hoygii Xildhibaan Qanyare, ayaa ahaa Ciiddamo gurmad ahaan looga keenay magaalladda Baydhabo, halka ay warar kalena sheegayaan inay Ciiddamadaasi ka soo guureen dhismihii Kulliyaddii Jaalle Siyaad oo aan wax badan ka fogeyn Deegaanka Dayniile.

Ma cadda sababaha rasmiga ee ay Ciiddamadaasi u soo degeen Dayniile, laakiin waxay wararka qaarkood sheegayaan in loogu tala galay inay Aagaasi difaac ka galaan, iyadoo Deegaanka Dayniile ay ku yaallaan Xarumo Milliteri iyo Garoon Diyaaradeed oo macmal ah oo ay Diyaaradaha fudud iyo Helikoptarradda ka soo degi karaan.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: