Bannaanbax looga soo horjeeday xasuuqii ay Xamar ay ka geysteen Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo ka dhacay Oslo, Norway.

Mudaaharaad Oslo Norway

Daawo Sawirada

Halkaan ka akhri

Banaanbax balaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Norwey,tiradoodana lagu qiyaasay 550-qofood ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha ka soo horjeeda Safaarada Mareykanka ku leeyahay Dalka Norwey Caasimadiisa Oslo.

Dadweynanahan oo aad u qiireysnaa kana careysan joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaalya,ayaa ku dhawaaqayey, erayo ay ka mid yihiin (Beesha Caalamka ha soo fara-geliso xasuuqa loo geysanayo Shacabka Soomaaliyeed)(Bush Down)(Melazanawi Down)(Ha la joojiyo xasuuqa loo geysanayo dumarka iyo waayeelka iyo caruurta Muqdisho)(Beesha Caalamka maxay ooga aamusan-yihiin gawraca lagu hayo Waayeelka iyo Caruurta Soomaaliyed) iyo erayo fara-badan oo aan halkaan ku soo koobi-karin.


Wakiilka Ururka dib-uxoreyta Soomaaliyeed ee Dalka Norwey Cali Cabdi Xasan (Cali-Ganeey) oo warbixin gaaban siiyay Shabakada Calanka.Com geba-gabadii mudaaharaadka ayaa sheegay sababta loo qabtay mudaaharaadkan inay tahay sidii loo tusi-lahaa Beesha Caalamka iyo Dawlada Norwey in Soomaalida ku dhaqan Wadankan ay ka soo horjeedaan xasuuqa iyo barakicinta loo geysanayo Shacabka Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigay Cali-Ganeey,wareysiga Wakiilka iyo aqoonyahano ay ka mid-yihiin Sheekh-Cali iyo Aamino Ismaaciil iyo hadaladii ay ku dhawaaqayeen Dadweynihii mudaaharadayey,waxaan idiin soo gudbin-doonaa saacadaha soo socda hadii EEBE idmo ee ha moogaanina.

Wakiilka Ururka dib-uxoreyta Soomaaliyeed ee Dalka Norwey Cali Cabdi Xasan (Cali-Ganeey)

FG:

Dhinaca kale hadii aysan Soomaalidu isu tanaasulin dhexdooda oo ay iska daayaan taageerada ay kala taageersan-yihiin qolooyinka Adis-ababa iyo Asmara siyaasadooda laga hago,markaas waxaa laga yabaa sidii Falastiiniiyinta oo mudaaharaadkooda bilaabay 1948 ilaa iyo hada oo laga jogo 60-sano mudaaharadaaya,waxaana sababay cadowgoodii oo ka faaideystay,anagana hadaan Soomaali nahay sidooda oo kale ayaa laga yabaa inay nagu-dhacdo waayo qolana Itoobiyo iyo Mareykan baa hogaanka u haya,qolada mucaaraadka Eritariya ayaa hogaanka u heysa,marka Walaalayaaloow aan meel dhex-dhexaad isuuga nimaano,hadii kale cadowga ayaa naga faaideysanaya.Godo-Godo
Tiibo_Talyaani@hotmail.com

Xuquuqda Warka iyo Sawirada waxaa leh http://www.calanka.com/Wararki-Maanta/warka1384SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: