Bannaanbax aad u ballaaran oo looga soo horjeeday gumaadka Ethiopia oo ka dhacay Magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Mud. Ottawa Canada

Daawo Sawirada

 Halkaan ka akhri

Bannaanbax aad u ballaaran oo looga soo horjeeday gumaadka Ethiopia oo ka dhacay Magaalada Ottawa ee dalka Canada. 

Banaanbax ka dhan ah ciidamada Itoobiya & Maamulka dowladda mareykanka ay ka wadaan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay magaalada Ottawa ee wadanka CANADA. bannaanbaxan oo si aad ah looga soo qaybgalay ayaa waxaa sidoo kale looga soo horjeeday qafaalashada lagu haysto nabadoon Axmed diriye cali oo hal sitimaan ay xoog ku haystaan Gumaysiga madoow ee Itoobiya & xulufadooda Mbeghati.

Waxaa ka dhacay magaalada Ottawa banaanbax ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Canada banaanbaxaas oo looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo xasuuqa ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyagoo dilalka iyo barakicinta ay ku hayaan dadka rayidka ah.

Dadkan oo isugu jiray haween caruur iyo dad dhalinyaro ayaa socodkooda ka bilaabay Baarlamaanka Canada, iyagoo gaaray iilaa Safaarada Itoobiya iyo waliba tan Maraykanka oo ku taala bartamaha magaaladan Ottawa, waxayna intii socodkooda ku jireen ku qeylinayeen ereyo ay ku diidan yihiin joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo falalka dilalka ah ee ay geysanayaan dadka aan waxba galabsan ee deegaanadooda ay ugu tagaan, waxaana dibed baxayaashu ay ay wateen boorar ay ku qoran yihiin sawir gacnmeedyo ay ka muuqdeen ciidamo Itoobiyaan ah oo leynaya dad shacab ah oo isugu jira haween iyo caruur.

Banaanbaxa ka dhacay magaalada Ottawa ee looga soo horjeeday ciidamada Itoobiya ayaa ku soo beegmay xilli afar maalin ka hor ay ciidamada Itoobiya xasuuq ba,an ka gaysteen magaalada Muqdisho waxayna halkaas ku laayeen dad aad u fara badan oo isugu jira waayeel, caruur iyo haween aan waxba galabsan iyo waliba iyagoo afduub ku haysta shacab aad u fara badan uuna ku jiro Nabadoon Ahmed Diiriye ayadoo laga soo dayrinayo Caafimaadkiisa.

Xuquuqda Sawirada waxaa leh http://www.somaliawatch.com/press/demo.html

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: