Waxaan Tacsi Tiiraanya leh u direynaa Umadda Soomaaliyeed oo dhan Geeriddii Halyeeyadii Marxuumad – Madiina Jenaraal.‏

tacsi.jpg

TACSI

 Halkaan ka akhri

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda, Midnimadda Iyo

Cadaaladda Gudoonka, Gudiga Fulinta, G/Dhexe iyo Guud ahaan Xubnaha iyo Taageerayaasha iyagoo si weyn uga tiiranyeeysan Geedida Naxdinta leh ee ku timi-Halyeeyadii, Geesiyadii weynad Muxuumada-MADIINA MAXAMUUD CILMI(MADIINA JANARAAL) oo 16/11/2007 ku Geeriyooteey Isbitaalka Madiina (Muqdisho)Tacsi Halkan uga soo gudbinaayaan Guud ahaanba Dadka Somaliyeed Uruadda Bulshada, Qoyskii, Ehaladii iyo Qaraabada Marxuumada.

Aamiin, Aamiin. Aamiin.

INNAA LILLAAH

Madiina Janaraal

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu cadeeynaayaa in Marxuumada Madiina Jenagaal aheyd Tiirka weyn oo ka mid ah Wadaniyiinta Somaaliyeed Dalkoodda iyo u adeegida Dadkooda u taagan, Muwaadinad waqtigeeda iyo Nafteeda u hurtay Daryeelka Bulshada dhiban, Taakuleynta Dan- yarta, Caruurta hooy la’aanta ah, Naafadda Xooga Dalka, iyadoo Waqtiyadan damme aheyd Codka Nool ee Dadka bara-kacsan iyo guud ahaanba Bulshada Dhiban ee Gobolka Banaadir.

    Marxuumadu waxeey u taagneeyda Damiirka nool Ururadda Bulshada, bulshada rayidka ah, wacyi geliyaasha Bulsahada iyo Bahada soo nooleeynta hanaanka nabadgelyada iyo midnimada Ummadda Somaaliyeed, Dhaqan wanaagsan iyo dhiiri gelinta kor u Qaadidda aqoonta Cilmiyeed ee Dhalinyarada Dagaalka ku Barbaaray, waxeeyna ka soo hooysay guul waweyn oo Taariikhdu Xusi doonto, Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu qeexaayaa in Ummadda Somaaliyeed weeyday Tiirka ka mid ah tiirarka yar oo Qaranka Somaaliyeed u harsanaa, Waxeeyna ku biiriisay ama ka mid noqoneeysaa Liiskii Halyeeyada hoydeey sidda:-

-Proff-Ibrahim Abyan.

-Shiikh Boqolsoon.

-Enj-Elma.

-Istanbuul Cabdi Caruush.

-C/Qaadir Yaxye.

-Proff-Dr-Axmed Warsamme.

-Jen-Maxamed Cadi.

-Jen-Yuusuf Sareenle.

-Jen-Axmed Jilicoow.

-Cali Sharmaake.

-Suldaan-Hurre.

-Abwaan-Jeeyte.

-Iyo Boqolaal Dhigooda ahaaba.

-Geeriddu Waa Xaq-

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.

-England-UK- 17/11/2007-

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: