Shacabka Soomaaliyeed oo Codsaday in Xuriyadiisa loo soo celiyo Axmed Diiriye iyo in Culumada Muslimiinta ah laga daayo xabsiyada lagu jirdilayo.

Axmed Diiriye

Axmed Diiriye

Halkaan ka akhri

Waxaa isisootarayo codsiyada iyo baaqyada kasoo yeerayo Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed oo lagu dalbanayo sii daynta Nabadoon Axmed Diiriye Cali iyo qaar katirsan Culumada Soomaaliyeed ee kujiro xabsiyada dowlada KMG.

 

 

Warar lagahelayo xabsiyada magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in kumanaan qof ay ku xiran yihiin Xabasiyada Muqdisho oo aan loola dhaqmin si ixtiraam leh waana kuwa tacdaraysan  qaarkood waxaa loodiiday gudashada Salaadaha faralka ah.

Xabsiga baarista Xizbiga ayaa ah kan ugu daran ee Culumada Soomaliyeed loogu tacadiyo, sida ay sheegeen qaar katirsan Maxaabiis laga siidaayay.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ahaa Afhayeenkii Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo dhawaan ay xireen Maleeshiyaad kala taageersan  Maxamed dheere iyo Taliyaha waxa loogu yeero Nabad sugida Qaranka.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ahaa Oday Soomaaliyeed oo diidan Xasuuqa iyo gumaadka ay Ciidamada Itoobiya kawadaan  magaalada Muqdisho.

Axmed Diiriye Cali iyo  Madiina maxamuud Madiina Janaraal ayay Shacabka Soomaaliyeed marnaba hilmaami karin iyagoona ka shaqayn jiray danaha Umadda Soomaaliya.

Markii Maanta ay uu soobaxay warka sheegayo in Axmed Diiriye loo gacan geliyay Ciidamada Itoobiya ayay shacabka reer Muqdisho muujiyeen Dareen caro iyo Murugaleh waxayna Cod dheer ku leeyihiin Xuriyada Muwaadiniinta Soomaaliyeed waan in la dhowraa.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: