Daawo Sawirada
Halkaan ka akhri
Dad ka tirsan ururadii soo qabanqaabiyey banaanbaxa oo lagu kala magacaabo, Somali Institute for Peace and Justice & United Somali Diaspora, ayaa ku qiyaasey dadka isu soo baxay ilaa kun qofood. Halka isu soo baxay uu ka dhacey ku taal bartamaha magaalooyinka mataanaha ee gobolka Minnesota.
Dadka isu soo baxay ayaa ka cabanayey wax ay ku tilmaameen xasuuq ciidamada Ethiopia ee iminka ka taliya wadanka Soomaaliya u geysteen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalo madaxda, Mogadishu. Dadka ayaa watey boorar ay ka muuqanayeen masawiro gacmeedyo muujinaya dhib aad u baaxad weyn oo loo geystey shacab badan oo aan waxba galabsan. Boorarka qaar ayay waxay ku cabirayeen sida ay uga soo horjeedaan xariga loo geystey afhayeen golaha midnimada beelaha Hawiye oo labo isbuuc iminka u xiran dowlada Ethiopia. Waxay sidoo kale siteen masawir ay ka muuqdeen wariyayaal dhawaan lagu diley Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen milkiilihii HornAfrik, Ali Sharmarke, Mahad Elmi & Bashir Nur. Erayadii dadka isu soo baxay ay ku dhawaaqayeen ayaa waxaa ka mid ahaa, “Soomaaliya Soomaali baa leh”, “Arimaha Somaliya waa in Soomali loo daayo”, “Ethiopia ha baxdo” “Bush & Zanawiba oo argagixiso” iyo kuwa kale oo faro badan.
Qudbado faro badan, gabayo iyo waliba baraanburo aan kala go’ laheyn ayaa iyagana halkaa laga soo jeedshey. Shaqsiyaadkii mudaaharaadka ka hadley oo aad badnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Sh. Hassan Jamici oo wax ka dhiga Jaamacada shirciyada ee William Mitchel Law, Hassan Kornel oo ahaan jirey Kornel ciidamadii booliskii Soomaliyeed, Mohamed Abdullahi (Tiiceey) & Abwaan Ali Hasan oo caan ku ah filmkii flight 13. Waxaa sidaas oo kale halkaa sugaano kale duwan ka soo jeediyey Fadumo Kaahiye, Maryan Ahmed Diiriye & gabdho kale oo fara badan.
Waxyaabihii dadku ka hadleen oo iyaga oo dhan ku wajahnaa ahmiyada midnimadu u leedahey ummada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ahaa “waxa in Ethiopian xamar ku xasuuqo walaaleheena Soomaaliyeed keeney waa isku duubni la’aanteen” oo uu yiri Sh. Hassan. Sh. Hassan ayaa sidaas oo kale ku canaantey dadka magaalooyinkan dagan ee aan ka soo qayb galin mudaaharaadka ineysan ahayn kuwa qiil u heysta maqnaanshahooda. Shiiqa ayaa ku celceliyey “ku kaalmeeya walaalihiina dhibaateysan codkiina, maalinkiina iyo maskaxdiina … ogaada aaqiro waa la is su’aalayaa qof kasta arintan wuxuu ka geystey”. Mohamed Abdullahi (tiiceey) oo ka mid ah isku dubaridayaashii mudaaharaadka ayaa isna dadkii isu soo baxay ku booriyey in ay iyagu donahooda u istaagan oo aysan dhowrin caalamka. Waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “waxaa muuqata in cid waxa xamar ka dhahayaa ay dhibaysaa oo aan adinka aheyni jirin, aduunka ayaa ka hadlin, Islaamka ayaa waxba ka qaban, afrikana daa warkeeda … hadii aydaan idinku wax isu qaban cid wax idiin qabaneysaa ma jirto… Soomaaliyey dantaada garo”. Col. Hassan Korneyl oo isna halkaa qudbad dheer ka soo jeediyey ayaa wuxuu carabka ku adkeeyey in isu soo baxa la badiyo iyo in laga shaqeeyo sidii wadan dib loogu xoreynlahaa dib loo dhisi lahaa.
Xasan Jaamici oo ka hadlaya bannaanbaxa
Banaanbaxyo faro badan oo sidaan oo kale loo soo agaasimey ayaa waxay islamaalintii Shaley, Jimce, November 16, 2007, ka wada dhacayeen magaalooyin badan oo ku yaal North America, Washington, DC, Boston, MA, Toronto, Canada, Columbus, Ohio, iyo kuwa kale oo fara badan. Banaanbaxyadan ayaa dhacaya markii ciidamada Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya ay ku dileen Magaalada Muqdisho dhowrkii maalmood ee ina soo dhaafey dad gaaraya ilaa 200 oo u badan caruur iyo haween. Waxaa iyadana muhiim ah in la sheego in aan wali dib loo soo dhisin dowlad ka dib is casilaadii wasiirka kowaad, Ali Mohamed Geedi.
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: USA |
You must be logged in to post a comment.