Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii xalay lagu qaaday fariisimada Ciidamada Amisom ee Magaalada Muqdisho.

Abu Mansuur

Al-Shabaab

 Halkaan ka akhri

Kooxda Al-shabaan ayaa sheegatay in ay ka dambeysay weerarkii xalay lagu qaaday Ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom ee kusugan Magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa kooxaha hubaysan ayaa waxa ay u adeegsadeen hubka noocyada kala duwan iyo rasaasta gaar ahaan qoryaha baasasuukayaasha loo yaqaan, iyadoo rasaas xoogan ay isdhaafsadeen ciidamada Ugandha iyo kooxihii weerarkaasi soo qaadey.

Afhayeen u hadlayay kooxda isku magacowdey Al shabaab ayaa xaqiijiyey in uu dhacay weerarkaasi islamarkaana ay gaysteen kooxdooda al shabaab.

Majiraan wax warar ah oo ka soo baxay Ciidamada Uganda ee kusugan Magaalada Muqdisho wallow ay horey u sheegeen in ay iska difaaci doonaan cid walba oo soo wareerta.

Maalmo ka hor ayay hayd markii aadan xaashi ceyrow oo ka mid ah kooxdaasi al shabaab uu sheegay in ay weerar ku qaadi doonaan ciidamada Amisom ee Ugandha.

Afhayeen u Hadley saaka kooxda al shabaab oo lagu magacaabi abuu Mansuur ayaa waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Ciidamada dowladda KMG ah iyo dhamaan ciidamada Ajinabiga ah ee kusugan dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: