Banaaanbax ka dhacay wadanka Finland caasimada Helsinki oo looga soo horjeeday Xasuuqa ay ciidamada gumeysiga Ethiopia ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Mudaaharaad Finland

Daawo Sawirada

 Halkaan ka akhri

Jimcadii oo ay bisha November ahayd 16 ayaa waxaa ka dhacay caasimada wadanka Finland banaanbax aad u balaaran oo lagaga soo horjeedo xasuuqa, barakicinta iyo qabsashada ay xabashidu qabsatey wadanka soomaaliya. Banaanbaxaas oo ay soo qabanqaabisey jaaliyada soomaaliyeed ee wadanka Finland ayaa waxaa ka soo qayb galay kumanaan qofood oo muwaadiniin soomaaliyeed ee degan wadanka Finland caasimiadiisa Helsinki, muujiyeyna dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan xasuuqa iyo barakicinta dadka soomaaliyeed ee loogu yimid guryahooda.


Jaaliyadda Soomaalida Finland

Muwaadiniintaas banaanbaxaas ka soo qayb galay oo isugu jirey dhalinyaro, dumar, aqoonyahano, culimaudiin, iyo weliba muwaadiniin Finlandes ah oo ayagu la qaybsanayey murugada lasoo deristey bulsho weynta soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, ayaa waxa ay aad ugu qaylinayeen ereyo ay ku dheehan tahay qiiro aad u weyn iyagoo qaarkood ilmeynayey sida; DOONIMAYNO ETHIOPEAN, DOONIMAYNO DAWLAD AAN U NAXAYN SHACABKEEDA, ZENAWI AAD GURIGAAGA, BUSH BEDEL SIYAASADAAD MADOW EE KU WAJAHAN DILKA IYO XASUUQA SHACABKA SOOMAALIYEED, SOOMAALIYA SOOMAALIBA LEH, WAA LALA XISAABTAMI KUWA SHEEGANAYA MAANTA MASUULIYADA SHACABKA SOOMAALIYEED iyo ereyo kale oo badan. Waxaa sidoo kale barbar socdey heeso wadani ah iyo guubaabo ku soo xasuusinaya waqtiyadii la baadigoobayey gobanimada soomaaliyeed.

  

Hadaba waxaa xusid mudan in dadkaasi sameeyey dibadbaxaasi ay lug dheer kusoo mareen inta badan wadooyinka centerka Helsinki, ayagoo ku hakaday dhowr meelood oo ay u gudbiyeen fariin qoraal ah ee ku aadan cabashadooda. Goobahaasi ayaa waxaa ka mid ahaa hoyga iyo xafiiska madaxweynaha Finland, xafiiska European Unionka ee Helsinki iyo ugu dambayntii isugu soo ururay aqalka looga arimiyo wadankan Finland ee Golaha baarlamaanka. Waxaa dabadeed halkaasi ka soo jeediyey khudbado qaar kamid ah masuuliyiinta qabanqaabisey dibedbaxaasi. Waxaa xusid mudan in mar qura ay soo istaageen masraxa sadex xubin baarlamaan ee ka kala socda sadexda xisbi ee ugu waa weyn wadankan ee kala ah; (Social democratic party, National coalition party and the Green leugue). Wax a ay sadexdaasi masuul si buuxda ugu dhawaaqeen ineysan ka aamusi doonin waxa ka dhacaya soomaaliya oo ay cadaadis ku saari doonaan baarlamaanka Europe iyo beesha caalamkaba in sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo xadgudubka aan waafaqsaneyn qawaaniinta caalamiga ee ciidamada ethiopia ay u geysanayaan shacabka soomaaliyeed.

Waxa uu si gaar ah u sheegay masuulka xisbiga SDP Mr. Kimmo Kiljunen in ay wadankan degan yihiin kumanaan Soomaali ah oo haysta dhalashada Finland oo ah muwaadiniin Finlandes ah masuuliyadooduna na saaran tahay iyaga iyo dareenkooda ku aadan wadankoodii hooyo ee soomaaliyaba. Sidoo kale in loo daayo aayaha soomaaliya shacabka soomaaliyeed oo quwadaha shisheeye ay kala baxaan faragelintooda. Waxaa sidoo kale hadalkii intaa ka sii wadey Heidi Hautala iyo kaikkonen Antti Samuli. 

Intaa kadib ayaa waxaa sii socdey khudbooyinkii Culuma udiinka,indheer garatada Finland, guubaabooyinkii dhanka suugaanta soomaaliyeed oo runtii mudan in la xuso muxaadaro gaaban oo uu sheikh sugule dadka kula dardaarmay, iyo wiilyar oo sidoo kale qiiro geliyey dadkii halkaas isugu yimid dhamaantoo ka dibna buraanbur aad u qiimo badan oo halkaasi ay ka soo jeedisey gabadh soomaaliyeed, heeso iwm.  

 

Waxaa sidoo kale soo afjarmay oo ay reer Finland ku guuleysteen in ay baajiyaan booqashadii lahadal hayey baryahan in uu ku yimaado wadankan Finland Gudoomiyaha baarlamaanka Embageti Aden Madoobe.

Taasi oo tusaale cad u noqonaysa in cid kasta oo sheeganaysa masuuliyada shacabweynaha soomaaliyeed aysan soo haweysan booqashooyin Europe iyo America, lagana hortagi doono inta ay taageersan yihiin barakicinta iyo xasuuqa shacabkooda.  

Isku soo wada duuboo waxaa sidoo kale ka dhacaya inta badan caasimadaha Europe, magaalooyin fara badan ee Maraykanka iyo Canada banaanbaxyo looga soo horjeedo xasuuqa iyo faragelinta ciidamada Ethiopia ee soomaaliya.  

JAALIYADA FINLAND  

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: