Advertisements

Taliye katirsan Ciidamada Nabad sugida dowlada KMG Soomaaliya oo Maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho.

dil

Taliyaha Nabad Sugidda

 Halkaan ka akhri

Waxaa Maanta duhurki magaalada Muqdisho lagu toogtay sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed isla markaana kamid ahaa gudi uu dhawaan dhisay Maxamed dheere oo lamagac baxay gudiga amniga qaranka.

Maanta duhurkii saacadda markii ay ahayd 15:30 daqiiqa ayay koox ku hubaysan Baastoolado waxa ay dileen Taliyihii Nabad sugida ee degmada Yaaqshiid oo lagu magacaabi jiray Xasan Cabdi Maxamed Xasan Dheere.

Dad goob joogayaal ahaa ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa nin aad u taageero Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo Siyaasada dowlada Soomaaliya ee uu xubinta ka ahaa.

Si kastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horeysay ee la dilo Mas’uul katirsan Maamulka gobalka Banaadir Xalay ayay ahayd markii la khaarijiyay sarkaal katirsan waaxda Shibis ee Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: