Bayaan ay Qurba jooga Soomaaliyeed kasoo saareen khilaafka kadhex jira Mujaahidiinta dagaalka kula jira gumeysiga heysta wadanka Soomaaliyeed.

وجوب توحيد الصف بين المسلمين 

Bayaan ku Socda Maxkamadihii Islaamka

 Halkaan ka akhri

Bayaan

Anagoo ku hadleyna Magaca Umadda Soomaaliyeed iyo Magaca Jaaliyadaha ku dhaqan Qurbaha wuxuu Bayaankeena ku saleysan yahay Khilaafka weyn ee ka dhex aloosan Mujaahidiinta Soomaaliyeed khaasatan Golihii Maxkamadaha Soomaaliyeed ee ahaa kuwa Shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan sida weyn ay u taageereen xoriya uraadinta Shacabka ama ka xoreyntii ay ka xoreeyeen Hogaamiye kooxeedyadii Mudada badan gumaadka ku hayay Shacabka Soomaaliyeed Burburiyayna qaranimadii Soomaaliyeed iyagoo kusoo gabanayay Magac Qabiil.

Sida lawada ogsoon yahay Shacabka Soomaaliyeed waxey si weyn u taageerayaan wadajirka Umadda Soomaaliyeed wada jirka Maxkamadihii Islaamka Soomaaliyeed, sidaa daraadeen anagu waxaan taageernay kadib markii Maxaakiimtii Islaamka ay Shacabka Soomaaliyeed usoo celiyeed Xoriyadii ka luntay mudadii 16ka sana aheyd ee ay ka talinayeed Hogaamiye kooxeedyadii ka shidaal qaadan jiray Gumeysiga mid walbaba ha ahaadee.

Dhowaan waxaa soo if baxay Khilaafyo u dhexeeyo Golihii Maxkamadihii Soomaaliyeed ee ay Shacabka Soomaaliyeed sida weyn utaageersanaayeen ugana dhur sugayeen in ay marlabaad ka Xoreeyaan gumeysiga dhibaatada iyo Xasuuqa weyn ku haya Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa in badanba soo if baxayay Qoraala iyo hadala badan oo ay is dhaafsanayeen Madaxdii kawada tirsaneyd Maxaakiimtii Islaamka, kuwaasoo is dhaafsanayay Hadalo ka turjumaya kala qeyb sanaan.

Khilaafka ayaa sida ku cad waxa uu u dhexeeyaa Madax kawada tirsanaa Maxkamadihii Islaamka, haddii aan tusaale kasoo qaato inta ka hadashay khilaafyadaas ayaa waxaa ka mid ahaa Sheikh Shariif Sheikh Axmed / Sheikh Mukhtaar Rooboow Cali ( Abuu Mansoor ) / Sheikh Fu’aad Maxamed Khalaf / Sheikh C/Qaadir Cali Cumar / iyo kuwa kala oo badan iyagoo xaqiijiyay in uu jiro khilaaf wuxuu raba ha ahaadee anagoo rabin in aan faahfaahino khilaafkaasi.

Si kastaba ha ahaatee Shacabka Soomaaliyeed waxey aad uga xun yihiin in uu wakhtigan oo gumeysi wadankii iyo Shacabkii Soomaaliyeed ku tumanayo in khilaaf uu ka dhex oogmo dadkii ay Shacabka Soomaaliyeed is lahaayeen iyagaa idin difaacaya ama Xoriyadiina u dagaalamaya.

Sidoo kalana khilaafkaasi uu aad u anfacayo gumeysiga wadanka heysta una horseedaya in uu cagaha dhulka sifiican usii dhigto.

Shacabka Soomaaliyeed waxey Xasuuqa iyo Barakaca waayadan dambe kusoo batay wadanka Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho sabab uga dhigayaa inta badan in ay sabab u tahay khilaafka kasoo cosboonaaday amaba ka dhex jira Golihii Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed.

Sidoo kale dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada qurbaha ayaa iyaguna niyadooda daciif noqotay oo sidii ay awal u kaalmeeyn jireen walaalohooda Mujaahidiinta ah ee u taagan Xoriyada wadankooda Soomaaliyeed, taasna ay sabab uga dhigayaan inta badan khilaafka ka dhex oogan Golihii Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed.

Sida lawada ogsoon yahay Umadda Soomaaliyeed waa Ummad wada Muslim ah isk Luqad ah Isku dhaqan ah wada jecelna Xoriyada Wadankooda Soomaaliyeed.

Umadda Soomaaliyeed waxa ay marwalba taageereysaa Cid walba oo u dagaalameysa Xoriyadooda iyo Diintooda kana horjeeda gumeysiga wadanka Soomaaliyeed heysta sida ba’anna u xasuuqaya.

Shacabka Soomaaliyeed ee qurba jooga ah wuxuu si cad u qeexayaan ugana hadlayaa arintan ku saabsan khilaafka ka dhex jira Golihii Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay in uu taageero cid walboo u dagaalameysa Xoriyada iyo Diinta Shacabka Soomaaliyeed hiil iyo hooba macna ahaan xag dhaqaale iyo Shaqsi ahaamba.

Shacabka Soomaaliyeed waxey si aad ah uga soo horjeedaan in ay taageeraan labada dhinac ee is khilaafsan dhinac waxay taageersan yihiin midnimadooda iygoo wada jir ah, kala tagoodana waxaan u aragnaa fidno.

Waxeyna cadeynayaan in aysan wax taageera ah dhinac walba ku bixin doonin Shaqsi Shaqsi ama koox koox.

Waxey si aad ah u taageerayaan Shacabka Soomaaliyeed wada jirka Maxkamadihii Islaamka amaba in ay isku wada raacaan Isbaheysiga D. U. Xoreynta Soomaaliya.

Waxey Shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaan Madaxdii Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed in ay khilaafkooda ku xaliyaan wada hadal oo aanu ognahay in aan loo kala Turjumeynin Maadaama ay kawada siman yikiin la dagaalanka Gumeysiga wadanka kusoo duulay.

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Qurba joogta waxey Jawaab cad kasugayaan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga hadlaan in ay dhameeyeen khilaafkii dhexdooda ahaa maadaamaba ay jiraan wada hadala socda.

Shacabka qurba jooga ah wexey Umadda Soomaaliyeed Illaah uga rajeyneyaan Guul iyo in Illaahey ka kor qaado gumeysiga naxariis laawaha ah.

Wabillaahi Towfiif

Bayaankan wuxuu si wada jir ah uga soo baxay

Jaaliyadaha Qurba jooga iyo

Jaaliyadda Soomaalida Switzerland

Yusuf Garabey

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: