Banaanbax weyn oo looga soo horjeeday Xasuuqa Ciidamada Ethiopia oo ka dhacey Magaalada Copenhagen ee wadanka Denmark.

Bannaanbax

Daawo Sawirada

 Halkaan ka akhri

Waxaa maalintii shalay ee ay taariikhdu tahay 15/11/07 banaanbax ballaaran isugu soo baxay fagaaraha ka soo horjeeda safaarada mareykankan ee Denmark, magaalada Copenhagen boqolaal Soomaaliyeed oo isugu jira dhalinyaro rag & dumar-ba leh Caruur & haween, waxeyna dadkani ka banaanbaxayeen sida ay uga soo horjeedaan xusuuqa ay magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba dalka Soomaaliya ka wadaan ciidamada Itoobiya oo  cishooyinkii  u danbeysay ku dilay Muqdisho dad rayid ah oo tiradooda ay ka badan tahay boqol qofood.

Banaanbaxayaasha ayaa watay sawiro & boorar ay ku sawiran yihiin tacadiyada ay wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ciidamada Itoobiyaanka, waxeyna ku dhawaaqayeen hal ku dhigto lidi ku ah Itoobiyaanka, iyadoo ku qeylinayey Itoobiya ha ka baxdo dalkeena, Meles waa dambiile dagaal , & Soomaalidu ma aqbali doonto gumeysi.

Maxamed Cabdulle Cariif oo ku magac dheer Carifsen oo ka mid ah dadkii ka qeybgalay banaanbaxaasi  ayaa sheegay in banaanbaxa maanta ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan xusuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana shacabka Muqdisho, waxuuna qoraal ku saabsan tacadiyada faraha badan ee ay regiimka tigreegu ka wadaan Soomaalia gacanta ka geliyay wakiil safaarada mareykanka ee dalka Denmark.Isagoo uu wakiilkuna sheegay in uu u gubdin ddono dowladiisa qoraalkan.

“Waxaan ka damqaneynaa dhibaatooyinka ay Ethiopia ka wado  dadkeena , waxaana adduunka ka codsaneynaa in wax laga qabto xusuuqa naxariis darrada ah ee ay geysanayaan Itoobiyaanka”  sidaasna waxa yiri Aweys Sh. Yuunis

Dad weynaha ka soo qeyb galay banana baxan oo ay shucuur weyn ka muuqato wejiyadooda ayaa ku balan qaaday in uusan banaan baxan noqon doonin kii ugu dambeeyay ee ay isugu soo baxaan , balse ay si is daba joog ah isugu soo bixi doonaan maalmaha soo socdo,inta ay Ethiopia ka baxeyso wadanka Soomaaliya.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: