Baarlamanka Midowga Yurub oo shaaciyay in lala xisaabtamo doono dadka ku lugta leh danbiyada dagaal ee Somaliya.

Dambiyada Dagaal

Baarlamaanka Yusub

 Halkaan ka akhri

Baarlamanka Midowga Yurub oo shalay kulan isugu yimid ayaa sheegay in Lala xisaabtami doono dhamaan shaqsiyaadka iyo xubnaha ku lugta leh danbiyada dagaal ee ka dhacay Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Golaha Baarlamanka Midowga Yurub ayaa adkeeyay in ay aad uga wallaacsan yihiin dhibaatooyinka wali kasii holcaya gayiga Somaliya iyo in aysan jirin cid markaasi kula xisaabtameysa dadka waxaasi masuulka ka ah.

Baarlamanka Yurub waxaa uu soo jeediyay in la furo Maxkamad qaada danbiyada dagaalka ee Somaliya,kuwaasi oo uu sheegay in aysan ka yareen kuwa meelaha kale ee Caalamka ka dhaca.

Waxaa ay ugu baaqeen dhamaan xubnaha daneeya arrimaha dalka Somaliya in ay u duubtaan sidi loo heli lahaa sharci la marsiiyo dadka wali ka wada Somaliya danbiyada dagaal kuwaasi oo ay ku tilmaamen qaaarkood in ay helaan taageero Caalami ah.

Waa markii ugu horeysay oo go’aan midkan lamid ah uu kasoo baxay dhanka Golaha Baarlamanka Yurub iyadoona ay hore dhowr hey’adood oo Caalami ah ugu baaqeen in Maxkamad la horkeeno dadka ku lugta leh danbiyada dagaalka Somaliya.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: