Allaha u naxariistee waxaa Galabta Muqdisho ku geeriyootay Madiina Janaraal oo u geeriyootay dhaawac shalay soo gaaray.

INNAA LILLAAH

Madiina Janaraal

Madiina Janaral

 Halkaan ka akhri

Allaha u naxariistee Waxaa Galabta Qorax dhiciii Isbitaalka Madiina ku geeriyootay Madiin Maxamuud Cilimi (Madiinda Janaraal) oo kamid ahayd Haweenka Soomaaliyeed ee u guntaday badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.

Dhmiashada Marxuumada ayaa timid kadib markii Shalay Duhurkii ay kooxaha hubaysan ay ku rasaaseeyeen Ex. wasaaradii hore Beeraha nawaaxiga deeganka Lafoole halkaas oo ay kaqaybinaysay Mucaawino la siinayay dadkii Muqdisho ay ka barakiciyeen Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Allha u naxariistee Madiina Janaraal ayaa Madax ka ahayd Ururuka Horseedka Nadab Hina oo ah Urur ay ku midaysanyihiin hawaeenka Soomaaliyeed, kaas oo wax wayn ka qabtay xaalada Nabad gelyo ee gobalka Banaadir xiligii ay dalka haysteen Hogaamiya kooxeedyadii hore ee u adeegi jiray gumeysiga Ethiopia.

Allaha u xarariistee Madiina Janaraal ayaa ahayd Haweenaydii ugu horaysay ee dib u furtay Isbitaalka Haweenka iyo Dhalaanka Banaadir mudo 17-sana kadib.

Sidookale Marxuumada Madiina Janaraal ayaa ahayd Haweenyadii ugu horaysay ee aas-aastay Ciidamadii Madaniga ahaa ee Muqdisho kajiray ka hor intii aysan dhalanin Maxkamadihi Isalaamka Soomaaliya.

Madina Janaraal ayaa ahayd Haweenay aan marnaba ka go’i karin quluubta dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka iyo carruurta taakta daran.

Geerida Madiina General ayaa ah mid ay si weyn uga nexeen inta nabada jecel ee Gumeysiga kasoo horjeeda, waxaana halkaan tacsi tiiraanya leh uga diraya dhamaan anagoo ah shaqaalaha websiteyada http://SomaliSwiss.wordpress.com iyo www.SomaliSwiss.net iyo weliba Shacabka Soomalaiyeed ee ku dhaqan wadankan Switzerland, waxaana leenahay Marxuumada oo ka geeriyootay Umadda Dhan ee Soomaaliyeed Allaha u Naxariisto, Jannadii Fardowsaha Allaha ka waraabiyo Aamiin Aamiin.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho iyo Bern

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: