Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo shaaca ka qaaday in uu wada hadal la galayo dhamaan kooxaha mucaaradka ku ah Dowladiisa.

Mad, Yusuf

C/llaahi Yusuf

 Halkaan ka akhri

C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo wada hadal dhex mara isaga iyo kooxaha kale ee ka soo horjeeda si loo helo nabad waarta oo ka dhalata wadanka Soomaaliya, loogana gudbo is looga gudbo mudadii 17 sano aheyd, loona anba qaado sidii looga gubi lahaa dhibaatada, looguna gudbi lahaa nabadda.

C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in ay Dowladiisa la shaqeysa gumeysiga Ethiopia ay albaabada wada hadalka u furtay dhamaan kooxaha ka soo horjeeda iyo dhamaan wixii danaynaya nabad waarta oo ka dhalata Soomaliya kana soo hor jeeda awood in la isticmaalo.

Waxaa kaloo sheegay in aysana suura gal ahayn in ay wax wada hadal ah la galaan waxa uu ku tilmaamay kooxaha argagixisada ah magacyadooduna ay ku jiraan liiska Argagixisada Caalamiga ah, waa sida uu hadalaka u dhigaye.

Sidoo kale waxaa uu sheegay C/llaahi Yuusuf in ay Dowladiisa tahay mid loo dhan yahay kuna dhisan awood qeybsi iyo dib u heshiisiin ayna diyaar u yihiin wada hadal iyo dhex dhexaadin kasta oo ay ku jirto danta Umadda Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye

Hadalkan ka soo yeeray C/llaahi Yuusuf ayaa wararka waxa ay tilmaamayaan in uu cadaadis kala kulmay Beesha Caalamka intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi waxaana ilaa hadda aan la ogayn waxa ku soo beegay hadalkan xili C/llaahi Yuusuf looga fadhiyo in uu soo magacaabo Ra’iisal wasaarihii badali lahaa Cali Maxamed Geedi.

Dhanka kale waxaa ay warar hoose sheegayaan in C/laahi Yuusuf uu cadaadis aad ah kala soo kulmay beesha caalamka ayna sidoo kale ku dhaliileen in xukuumadiisu ay tahay mid ilaa iyo hadda aan waxba ka qaban xaalada Soomaaliya siina hurisay, kana gaabisay in ay kasbato kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo hayn cida uu sheegayo C/llaahi Yuusuf in uusan wada hadalka la galeyn, waxaase muuqata in cadaadiska Beesha Caalamku saarayso C/llaahu Yuusuf ay ku dhalisay inuu ku dhawaaqo inuu wada hadal la galayo kooxaha kasoo horjeeda Dowladdiisa iyo joogitaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: