Banaan bax lagu taageerayo howlagadii ay wadeen Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo maanta ka dhacay Istadio Koonis ee magaalada Muqdisho.

Darwiish & Maxamed dheere

Bannaanbax

 Halkaan ka akhri

Banaan baxan lagu taageerayo howlgaladii ay dhawanahan ciidamada gumeysiga Ethiopia ka wadeen xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Maxamed Dheere waxana sidoo kale abaabulka banaan baxan waday C/laahi Xasan Ganey “firinbi”.

Darwiish & Maxamed dheere

Firinbi ayaa sheegay in banaan baxan ay soo abaabuleen maamulka gobalka banaadir ayna ka soo qeyb gali doonaan dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay sida loo soo abaabulay banaan baxa lagu taageerayo howlgalada ay wadaan ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeyaba ayaa waxa uu yiri “banaan baxan waxaa soo abaabulay maamulka gobalka Benaadir waxana lagu taageerayaa howlgaladii ay sameeyeen ciidamada iskaashanaya si ay amaanka u soo celiyaan waxana sidoo kale ka so qeyb galay mas’uuliyiin badan oo ka mid ah kuwa Dowladda KMG ah iyo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia iyo dhamaan qeybaha maamulka gobolka Benaadir”

Banaan baxan ayaa ku soo beegmaya xili ay wali ka bara kacayaan magaalada Muqdisho dad badan kuwaas oo ka cabsi qaba in ay dhibaatooyin u geystaan ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Sidoo kale banaan baxan ayaa ku soo aadaya xili ay dadka ku dhaqan magaalada muqdisho wali dhagahooda ka soo dhawaaqayso xasuuqii ba’naa ee ay geyteen ciidamada gumeysiga Ethiopia xaafadaha Shir kole, Xamar Jadiid, Suuqa Xoolaha, Gubta iyo meelo kale taasi oo keentay in dad badan ay magaalada dibada uga baxaan iyagoo ka baqanaya in xasuuqa ay wadaan ciidamada gumeysiga ay saameeyeen.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: