Ergayga QM:- Waa lala Xisaabtami donaa dhinacyadii ku lugta lahaa Gumaadkii ka dhacay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

ahmedou_ould_abdallah-1.jpg

Ahmedou Ould-Abdullah

Halkaan ka akhri

Nairobi (SomaliSwiss) 14.11.2007

Mudane Ahmedou Ould-Abdallah oo ah Ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda naxdinta iyo argagaxa leh ee bini-aadaninimo ee ka taagan Soomaaliya, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in xaalada Soomaaliya loo weeciyo dhinaca cadaaladda, taasina ay yareyn karto dhibaatada hadda taagan, wuxuuna xusay in waddada Soomaaliya ay soo mareen dalal Afrikaan ah ay horay u soo mareen, markii danbe xal ka gaaray dhibaatadooda, loogana baahan yahay in Soomaalida ay raacaan waddadaasi.

Waxaa la joogaa waqtigii caddaalada adduunku u soo jeesan laheyn xadgudubyada dhinaca xuquuqda bini-aadamka ah ee ka dhacaya Soomaaliya, loona soo taagi lahaa maxkamad kuwii ka danbeeyey xadgudubyadaasi” ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah.  

Ergayga QM ee Soomaaliya wuxuu sheegay in ciqaabta dambiyada laga geystay Soomaaliya laga soo billaabayo 1991-dii, wuxuuna xusay in Soomaalidu heli doonaan cadaaladii ay heleen dalal ka tirsan Afrika oo ay ka dhaceen masiibooyin la mid ah kuwii ka dhacay Soomaaliya. 

Mudane Ahmedou wuxuu sidoo kale uu ka hadlay xasuuqa xoogan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho kaasi oo lagu eedeeyay Ciidamada dawladda Itoobiya oo daba yaaqadii sanadkii hore xoog kusoo galay dalka. 

Balse mudane Ahmedou wuxuu is weydiiyey laba su`aal oo ah “Maxay Soomaalidu culeyska u saari la’yihiin in Soomaaliya ay nabad noqoto”? sida wadamada ka soo kabsaday dagaalka sokeeye sida Guinea-Bissau, Liberai, Sierra Leone, “Maxay Soomaalidii wadaniyiinta ahaa isu weydiin la’ yihiin sidii ay nabadii ugu soo celin lahaayeen dalkooda”? sida Musanbik iyo Angola Ayuu yiri Ould-Abdallah.

SomaaliSwiss Wakiilka Nairobi

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: