Labada nin ee u Sharaxan Xilka Ra’isal Wasaare nimo oo ka soo jeeda Beesha Abgaal oo midkood la wado in Xilka cusub uu qabto.

amin147

Ra’isal W. Cusub

 Halkaan ka akhri

Baadigoob xoogan ayaa wali loogu jiraa cidii bedeli laheyd Ra’iisul Wasaarihii booska ka tagay ee Cali Geeddi, iyadoo inta badan Musharaxiin u ololeyneysa Jagadaas ay ka gaabsadeen oo ay shuruudo ku xireen.

Madaxweyne C/llaahi Yusuf ayaa haatan waxaa heysata laba daran mid dooro, waa tan kowaadee isagoo ku jahwareersan cida uu u dhiibi lahaa jagadaasi iyo in uu qaato qof ay usoo xulaan Mareykanka iyo Ethiopia, taasoo sida muuqata Madaxweynuhu aanu ku qanacsaneyn.

Tan Labaad Madaxweynaha ayaa doonaya inuu jagada u dhiibto ruux isagu uu wax marsiin karo, isla markaana noqdo shaqsi u hogaansamaya amarkiisa iyo inuu xataa ka hadlin arrinta Puntland ee ku aadan shidaal qodista.

Baadigoobka C/llaahi Yusuf ee uu ugu jiro inuu soo magacaabo shaqsi uu u noqdo geed fadhi ayaa sii dheeraaneysa, waxaana xilli cayiman ka dhiman waqtii uu ku dhawaaqi lahaa Xilka Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Iyadoo ay sidaa tahay ayuu C/llaahi Yusuf hada door bidayaa inuu kala xusho labo Xubnood oo si aad ah loogu badinayo in ay qabtaan Jagada Ra’iisul Wasaaraha.

Labo Xubnood oo ka soo jeeda Beesha Abgaal ayaa aad loogu badinayaa in loo dhiibo xilkaasi Ra’isal wasaare nimo, kuwaasoo iminkaba ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasoo kala ah Nuur Cadde iyo nin lagu magacaabo Xasan Sh. Cali Nuur Jiisow.

Marka aan Labadan Nin si gaar ah uga faaloono, waa Labo nin oo ka dhisan Dhinaca Aqoonta, waxa uuna midkood dhowaan soo dhameeyay Jaamacad, isla markaana ku soo qaatay Shahaadada PHD.

Nuur Cadde waxa uu ka soo jeeda Beesha Galmaax Celi (Wacbuudhan), waxaa si gaar ah u wadata Hey’adaha Yurubiyanka iyo Rag uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, isagoo hada madax ka ah Hey’adda ICRC, wuxuu xiriir toos ah la leeyahay Hey’adaha Sama Falka iyo kuwa Caalamiga ah ee deeq bixiyeyaasha ah.

Xasan Sh. Cali Nuur Jiisow waxa uu ka soo jeedaa Beesha Oowbakar (Harti Abgaal) ee ah Beesha Imaamka Beelaha Hiraab Imaam Maxmuud Imaam Cumar waxaa isna si gaar ah u wata Cali Mahdi iyo rag kale.

Aqoonyahankan waxa uu ahaa Arday dhowaan ka soo qalin jabiyay Dalka Malaysiya oo uu ku diyaariyay Shahaadada PHD, wuxuuna ku sugan yahay Magaalada Nairobi.

Cali Mahdi oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa dadaal xoogan ugu jira magacaabista Aqoonyahankan ka soo jeeda Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Kulamo iyo wada tashiyo ayaa ka soconaya Magaalada Nairobi, iyadoona la sheegayo in Madaxweynaha uu miiska u saaran yahay Labadaas Xubnood oo ah kuwa hada taagan Finalka cayaarta RW nimada, kadib markii musharaxiintii kale ay noqdeen kuwo ka gaabsaday, isla markaana shuruudo ku xiray.

SomaliSwiss Nairobi Kenya

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: