Xassan Carab:- Difaacayaasha Xoriyada iyo Qaranimada Qaaligga ah ku sugan Dalka Gudihiisa iyo Cirifyadda Aduunka, waxaanu leenahay…

Xassan Carab

Hambalyo

 Halkaan ka akhri

Dhaq-dhaqaaaqa Somaaliyeed Nabadda, Midnimadda iyo Cadaaladda Codka, damiirka, dareenka nool iyo qiirada dhabta ah ee Wadaniyiinta Muwaadiniinta xalaasha ah, difaacayaasha Xoriyada iyo Qaranimada Qaaligga ah ku sugan Dalka Gudihiisa iyo Cirifyadda Aduunka, anagoo afkooda ku hadleeyna waxaanu halkan ku soo gudbineeynaa:-

     Amaan, Bogaadin iyo Hambalyo Wadaniyadeed ku saabsan Abaabulkii, Qaban qaabiyaashii iyo ka qeyb galayaashii banaan Bixii balaarnaa, Mudaahadarkii Kumayaasha Qof isugu soo baxay Fagaaraha Barlamaanka Boqortooyada Baretaaniya (London) kuna Cabireeyn diidmadooda Gumeeysiga Itoobiya, Cambaareeynta, Dhaleeceeynta Xasuuqayada xad dhaafka ah loo geeysanaayo Muwaadiniinta Somaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Dhaq-dhaqaaqu wuxuu Qiraayaa halkan ku cadeeynaayaa in Jaaliyada Somaaliyeed ee Carigga UK intooda Damiirka iyo qiirada Wadaniyadeed leh sida ku haboon u guteen Waajibaadkii Qarameed, codkooda Aduunka u muujiyeeyn, Risaalad cadna gaarsiiyeen Xildhinaanada Golaha Barlamaanka UK, Xukuumadda, Ururadda Xuquuqada Dadka iyo Qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Caalamka intooda ugu af- Dheere, waana Talaabo geesimmadeeda leh, mudana ku dayasho iyo Tusaale ka qaadasho, Hambalyo.

Gusha iyagaa leh

   Dhaq-dhaqaaqu wuxuu aaminsan yahay in Risaalada cad oo Gumeeysi diidka ah, ka Gubashada Xasuuqayad, ka gilgilashada Xadgudubyada iyo gumaadka joogta ah oo laga hayo Bulshadda Somaaliyeed iyo Qorshaha Wayaanaha iyo Rajiimka Shaqaalaha u ah oo Xadafkoodu yahay Burburinta Dalka, Gumeeynta Dadka Iyo Boobka Kheeyrkaadka Dhulkeena, Risaaladu weey gaarteey weeyna gaari doontaa meel dheer iyo Cirifyada Aduunka, xaquna Inshaa Alle wuu imaan (Sida qoraxda u shaaci doonta) guushana Wadaniyiinta iyo inta Xoriyadda u taagan, Gumeeysi iyo kuwa Raaceyna ceeb iyo guul darro weyn.

Midab Gumeysi Diida Dila

   Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ku boorinaayaa Jaaliyada Qurba jooga oo ku kala dhaqan wadamadan:- W/Mareeykanka, Ustaraaliya,Yurub, Dunidda Carbeed, Dalalka Aasiya iyo Qaarada Afrika in eey Abaabulaan Banaan baxyo baaxadooda leh.laguna muujinaayo Diidmadda Heeryada Gumeeysiga iyo Cambaareynta Tacadiyadooda joogtada ah, Jaaliyadu waa in eey gartaan, Isla Markaani gutaan Masuuliyada Diineed, Qarameed iyo Akhlaaqeed oo ka Saaran Dalkooda hooyo iyo Dadkooda, waa in Albaab Walba oo Barlamaan, Xukuumadeed iyo Ururada Xaquuqadda Bani-aadamka la garaacaa, Codkana la gaarsiiya(Risaalada cad oo ah Diidmadda Gumeeysiga iyo Shaqaalihiisaba).

 

    Hambalyo, Amaan iyo Bogaadin Gudigii Abaabulka iyo guud ahaanba ka soo qeyb galayaashii Wadaniyiinta ahaa, dadaalka waa in halkaas laga sii wadaa, Mudaaharadku Socdaa, weliba Abaabulka iyo habka diyaarinta kor loo qaadaa, sida ku haboona loo qorsheeyaa si ka qeyb galayaashu u laban-laabmaan.

 

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

Nabadda, Midnimadda Iyo Cadaaladda-

-England-Uk-12/11/2007-

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: