Sheikh Xasan Dahir Aweys oo ku cambaareeyay ciidamada gumeysiga Ethiopia in ay Xasuuq iyo gumaad ka wadaan caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Islamic leader

Sh. Xasan Dahir Aweys

 Halkaan ka akhri

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo qadka teleefoonka kula hadlayay wargeyska Asharqal Awsat kuna sugan magaalada Asmara ayaa waxa uu yiri.

Guddoomiyaha golaha shuurada Maxkamadaha Islaamka, Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa ku tilmaamay mashaakilka ka jira magaalada Muqdisho in uu yahay gumaadka ciidamada gumeysiga Ethiopia ay u geysanayaan shacabka, isagoo ugu baaqay beesha caalamka in arinkaasi ay soo fara galiso.

Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay Q.M, jaamacadda Carabta, Ururada Islaamka iyo Ururada kale in ay si deg deg ah ku soo fara galiyaan xaaladda dalka Somalia si ay u joojiyaan gumaadka ciidamada gumeysiga Ethiopia ay ka wadaan caasimadda dalka Somalia.

Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu sheegay in uu si aad ah ula fajacsan yahay ka aamusnaanta Midowga Yurub uu ka aamusan yahay dhibaatooyinka ka jira caasimadda Somalia, isagoo sheeganaya in uu wax ka qabto xuquuqda Aadanaha, kadibna uu u ololeeyo in wax laga qabto mashaakilka ka taagan gobolka Darfur oo isagu ah mid aad uga liita midka ka jira magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in taariikhdu ay qori doonto, sidoo kale ka aamusnaanta golaha amaanka Q.M iyo aflagaadooyinka ay u geysteen dadka Soomaaliyeed iyo dhibaatooyinka ka oogan caasimadda.

Waxa uu balan qaaday in ay sii socon doonto weerarada wax iska caabinta ee ka dhanka ah ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Waxa uu ku eedeeyay ciidamada gumeysiga Ethiopia in ay gumaad u geystaan shacabka Somaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho, waxaana uu ku tilmaamay arinkaasi falal aargoosi ah oo laga argagaxo, iyagoo ku gambanaya in ay baarayaan kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

SomaliSwiss Asmara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: