Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya oo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Leicester u qabtay kulan balaaran.

Isbaheysiga

Daawo Sawirada

 Halkaan ka akhri

Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Leicester wafdi balaaran oo ka socda Isbahaysiga Dibuxoreynta soomaaliyeed wafdigaas oo kamid ahaayeen xubnaha kala ah kuxigeenka gudoomiyaha fulinta isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliyeed Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Maxamed Cabdi Yuusuf, Cumar Saleebaan, C/naasir, Aamino Warsame kuwaa oo dhamaantood ka tirsan golaha dhexe ee Isbahaysiga Dib u xoreynta Iyo Maxamed Xaashi oo asaga ah xubin golaha dhexe balse degan magaalada Leicester.

Waxaa kale oo qadka taleefoonka uga qayb qaatay Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliyeed Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

Soo dhaweynta wafiga iyo marti sharafta kale ee la socotay ayaa waxaa ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Leicester oo eey ka dhex muuqdeen


Mr Said Ali Shire iyo Cabdulaahi Shiikh Muuse. | cumar saleban.

Markii layimid hoolka shirku ka dhacayay ayaa waxaa hadalka soo dhoweynta furay

Mr.Axmed Jaamac oo asagu ku hadlayay magaca dadka Magaalada Leicester oo asagu ka mid ah odayaasha magaalada Leicester waxa uuna ku soo dhaweeyay.

Shiikh Cali Mowliid oo asagu ka yimid magaalada Shiefield ee dalkaan ingiirska oo asagu Halkaa ka soo jeediyay muxaadaro diini ah oo dadkii si aad ah u baraarujisay, taas oo uga hadlayay yaad ku xiranaysaa asagoo tusaale ahaan u soo qaaday Nabi Nuux(cs) , markii asaga iyo wiilkiisa ay kala tageen asagoo sheegay qofkii ilaahay beeniya in bari laga noqdo.Ibraahim (cs) uu bari ka noqday Aabihiis, xitaa waqtigii nabiga (scw) ee asxaabtii ka bari noqdeen eheladooda.

Muxaadaradii shiiqa ka dib waxaa daadihintii shirka halkaa ka bilaabay Said Ali Shire oo ku soo dhaweeyay micrifoonka.

Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf oo asagana ka hadlay sababta dalkeena lagu magaamay runtii Maxamed asagoo ka hadlay taariikh aad u dheer sheegayna laga soo bilaabo ilaa sandkii 1884tii uu dhibka soomaalida si aada u badnaa .

Asagoo sheegay 1884 shirkii baarliin ee Africa lagu qaybsanayay ninkii ingiriiska ahaa oo kahadlay soomaaliya inuu sheegay in soomaalidu eey yihiin dad neceb cadaanka faafahayana oo gaaraya dhulbalaaran marka inay tahay in lakala jarjaro.

Sidoo kale waxa uu aad uaga sheegayay taariikhdii SYL iyo dhibaatooyinkii uu kala horyimid gumaystaha asagoo xusay qaladaadka la galay waagaa inay ka mid ahayd ayadoo leegadu samaysatay labo bug oo kala ahaa buug cad iyo mid madow kaas oo markii danbe dadkii ku qornaa buuga madow la iska cafiyay kaas oo uu keenay heshiiskii aan lala galay talyaaniga kaas oo asaga uu codsaday in la cafiyo dadkii la safnaa.

Asagoo si aad ah ugu dheeraday taariikhdii uu soo maray dowladihii kala duwanaa oo soo maray dalka soomaaliya isagoo xusay in dagaalkii 1977tii lala galay dowlada itoobiya eey nala dagaaleen dhamaan dowladihii west iyo east ayna ka sinaayeen dagaalka nalala galay kan hada socdaana uu kaas la xiriiro micnha ka danbeeyana uu yahay ka soo horjeedka soomaali midoowda oo meel is taagta.

Isagoo xusay in soomaalida qaabkeeda dagaalka uu aad u qaldan yahay marar badan loona baahan yahay inay midoobaan qabyaalada is kaaya dayaan cadowgoodana meel uga soo wada jeedsaan.

Aamino Warsame. Ayadoo ka hadashay taariikhda soomaaliya, ayadoo xustay taariikhda raga iyo dumarka waxay kaloo ka hadashay dhibaatada qabyaalada ku hayso soomaalida.

Cumar Saleebaan.oo ka hadlay sababta loo aas aasay shirkii Asmara isagoo sheegay inay itoobiya 17 sano eey ka shaqaynaysay siday soomaaliya u qabsan lahayd .

Isagoo sheegay inay halkaa isugu yimaadeen dad gaaraya ilaa 400 qof  kuwaas oo isku wada raacay dhaamantood sidii gumaysiga wadanka looga saari lahaa.

Zakariya Maxamud Xaaji

Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi. Ayaa asna halkaa waxa uu ka soo jeediyay qodbad aad u xiisa badan asagoo sheegay asagoo ka sheegayay istiraatiijiyada ururka iyo meesha uu higsanayo iyo waxa looga fadhiyo inuu qabto ururka .

Mudane Sakariye waxa kale uu sheegay in ururka hada samaystay laba buug oo ah kuwii leegada oo kale oo ah buug cad iyo buug madow qofkii wadanka wax ka xoreeya maanta wadanka in lagu qori doono buug cad kii diidana buuga madow, waxa kale uu sheegay qabiilku inuu yahay laba afle adna lagugu dilayo iyo adna aad wax ku dilayso marka eey mudan tahay in layska daayo qabiilka.

Waxa kale oo halkaa ka haldlay halkaa asagana maxamed xaashi oo asaga ah xubin ka tirsan golaha dhexe balse degan magaalada Leicester.


Maxamed Cabdi Yusuf | Maxamed Xaashi

Maxamed Xaashi  waxa uu ka hadlay xasuuqa ka dhacaayay magaalada muqdisho maalmahaan u danbeeyay asagoo dadka ka codsaday dadkaa masaakiinta ah in ilaahay loo baryo , mida kale asagoo sheegay in magaalada Leicester looga baahan yahay laba arimood oo looga baahan yahay .

A- in magaalada loo sameeyo barnaamij siyaaseed oo looga dhaadhicinayo MP yada magaalada xasuuqa iyo barakicin ka socota wadankeena sidii looga dhaadhicin lahaa dadka walaaleheen oo muslimiinta ah oo nala degan magaalada.

B- in la helo dhaqaale loo ururiyo dadka walaalaheen oo dhibaataysan ayadoo laga duulayo oo ay tahay in la qaato foomamka membershipka ururka lana buuxiyo laiskuna dhaqaale.

Waxaa intaa ka dib asna ka hadlay halkaa Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Asaga qadka taleefoonka uga qayb galay dadkana ku baraarujiyay in si aad ah loogu baahan yahay in soomaalidu midoowda eeyna gumaysigana la dagaalanto iskana xoreyso qof walba oo soomaali ahna eey waajib ku tahay inuu dagaalkaas ka qayb qaato.

Intaa aya shirkii la soo gabagabeeyay waxaana soo xiray oo ka hadlay oo dadkii ka soo qayb galay mahadnaq u jeediay Faarax Diiriye oo asagu ka mid ah odayaasha magaalada Leicester. 

arabey abdi
hashi66@hotmail.com

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: