Gacma Dheere “Ciidamo u yimid danta Umada in wadooyinka lagu jiid jiido aad ayaan uga xumahay, waxaan Hey’adaha Amniga farayaa in ay gacan bir ah ku qabtaan kuwa Muqaawamada iyo shabaabka.

amin148

Xasuuqa Shacabka

 Halkaan ka akhri

Iyadoo ay sii socdaan rabshadaha iyo dagalada kasocdo magaalada Muqdsihio iyo Xasuuqa ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ka wadaan magaalada Muqdisho ayay Mas’uuliyinta sheegta dowlada KMG Soomaaliya siyaaba kala duwan uga hadleen xalada magaalada Muqdisho.

amin148

Wasiirka arrimaha gudaha DKMG Maxamed Guuleed gacma dheere ayaaa ku tilmaamay waxaa magaalada Muqdsiho ka socdo wax aad loogu farxo oo ah howlihii dowlada oo sii xoogaystay taasna ay muujinayso in ay dowladu gacanta ku dhigtay amaanka.

Gacma dheere ayaa intaas ku daray in wixii Muqdisho ka dhacay eyan ahayn Xasuuq oo ay ahaayeen howl gal qaran oo ay Ciidamada Ethiopia u fuliyeen dowlada KMG, dadkii ku dhintana ay ahaayeen Nabad diid ka soo horjeeday siyaadsada dowlada KMG ayuu yiri Gacma dheere.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay Waresysi uu siiyay mid ka mid ah Idacaadaha Muqdisho isagoo ku sugnaa magaalada Baydhabo, hadalka Gacma dheere ayaa ka caraysiiyay kumanaan Soomali ah oo u arko in uu yahay nin dhiigya cab ah.

“Magaalada Muqdsiho waxaa ka socdo howlihii dowlada oo caadiga ahaa wax dheeri ah kama jiraan, Xasuuq lama dhihi karo howl galada ay sameeyaan Ciidamada Ethiopia oo ay dowladu keensatay waa in kooxaha Nabad diidka ah ay joojiyaan Jiidista ay jiidayaan Mayadadka Ciidamada Ethiopia anaga waa na dhibayaan oo waa saaxiibadeeyn ” ayuu yiri Gacma dheere.

“Waan ka xumahay Ciidamada lajiid jiiday ee wadanka aan saaxiibka dheer nahay waana ka raali gelineynaa hadii aan nahay Dowladda KMG Soomaaliya” ayuu yiri Gacma Dheere

Maaha kii ugu horeeyay ee sheegta Dowlad Soomaaliyeed ee aan kahadlin Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed balse kahadla hal Askari kamid ah gumeysiga ee lajiiday, weliba kuwa qaar ayaaba sheegta in ay Ciidamada gumeysiga wax xasuuqin ee ay yihiin kuwooda ay ku sheegeen Ciidamada DKMG ah.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: