Dowlada Libya oo dib u soo celisay 37 qof oo dhalashadooda Swiss tahay oo la socday diyaaradda AirSwiss iyo diyaarada kale oo ay kujireen 172 Faransis ah.

swiss-air.jpg

Halkaan ka akhri

Zürich (SomaliSwiss) 12.11.2007 

Dowladda Libya ayaa dib u soo celisay 37 qof rakaab oo Swiss ah, lana socday diyaaradda AirSwiss oo shalay ka duushay Gegida diyaaradaha ee magaalada Zürich, balse Rakaabkii saarnaa diyaaradaas ayaa lama fillaan ku noqotay, hase ahaatee shirkadda diyaaradda Airswiss ayaa ka codsatay Safaaradeeda inay soo fara geliso arrintan; Wasaaradda arrimaha Dibedda ee dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ay ku jirta baarista dhacdadan.  

Laga billaabo Axadii tegtay dalka Libiya ayaa waxaa gelayey dadka Ajaanibka ah oo wata Bassaboor Carab ah iyo Kuwa haysta Bassaboor ku qoran Afka Carabiga. 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in diyaaradda AirSwiss oo saarnaa 115 qof oo rakaab ah ayaa waxaa nasiib darro ah in 37qof oo dhalashadooda Swiss ah ay dib ugu soo noqdaan dalkooda hooyo, dhibaatadan awgeed waxaa dib u dhac laba saac ah ku yimaaday duulistii diyaaradda. 

Afhayeenka Shirkadda Diyaaradaha Swiss-ka Mudane Jean-claude donzel ayaa sheegay in maamulka shirkadda AirSwiss ay waxba kala soconin nidaamka cusub ee ay soo saartay dowladda Libiya. 

Sidoo kale waxaa nidaamkan cusub ee Xukuumada Libiya ay soo saartay la kulmay shirkadda Air Mediterrnèe ee dalka Fransiska laga leeyahay oo iyadana Rakaabkii ay waday oo gaaraya 172 qof oo dib loo celiyey, isla sababta Baasaboorka awgiis.   

SomaliSwiss Zürich 

Tarjume Dhicisow 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: