Ciidama sheegtay iney ka socdaan dowladda KMG ah oo albaabada isugu dhuftey Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Idaacadda Shabelle

Idaacadda Shabelle

 Halkaan ka akhri

Ciidamo ka tirsan dowlada kMG ah ee Somalia ayaa albaabada isugu dhuftey idaacadda Madaxa banaan ee shabakadda warbaahinta Shabelle, iyagoona xoog ku kaxeystay K/simaha agaasimaha iyo Madaxa wararka Shabelle, halka shaqaalihii kalena ay ku amreen in ay kala tagaan, inkastoo daqiiqado ka dib ay soo daayeen.

Ciidamo uu wato sarkaal sare oo ka tirsan nabad sugidda ayaa gudaha u soo galay abaaro 11:35 Am barqo nimo xarunta idaacadda Shabelle, iyagoo ku amray shaqaalaha oo dhan in ay banaanka yimaadaan, waxaana ay ka xaysteen K/simaha agaasimaha idaacadda Shabelle, Jacfar Max’ed Kuukaay iyo Madaxa wararka C/raxmaan Yuusuf Alcadaala.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku amray shaqaalihii kale in ay kala tagaan oo ay aadaan guryahooda, isla markaana idaacadda aan la furi karin.

Ma jirto wax sabab ah oo saraakiisha dowladda ay ku sheegeen xiritaanka idaacadda, sidoo kale ma jiro wax qoraal ah oo ay keeneen saraakiisha dowladda KMG ah oo amraya in la xiro idaacadda.

Daqiiqado ka dib waxaa la soo daayay madaxa wararka idaacadda Shabelle iyo K/simaha agaasimaha ka dib markii loo geeyay nin sarkaal ah oo ku sugnaa gudaha suuqa Bakaaraha, waxaana sarkaalkaasi uu u sheegay in idaacadda ay xiran tahay, isla markaana ay iska kala tagaan shaqaalaha.

Waa markii 8aad oo dowladda KMG ah ee Somalia ay albaabada isugu dhufato idaacadda Shabelle.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa jirey hanjabaado shaqaalaha idaacadda qaar kaga imaanayay dhinaca dowladda KMG ah iyo waliba shaqsiyaad kale.

Tacadiyo badan ayay ciidamada dowladda KMG ah kula dhaqaaqeen shaqaalaha idaacadda Shabelle.

15 kii bishii September ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ay xoog ku soo galeen xarunta idaacadda oo ay ka xeysteen 19 ka mid ah shaqaalaha idaacadda.

18 kii bishii september ayaa sidoo kale ciidamada dowladda waxa ay weerar ku soo qaadeen xarunta idaacadda ka dib markii ay rasaas socotey muddo saacado ay la beegsadeen dhismaha xarunta, waxaana rasaastaasi ay sababtay burbur soo gaaray qalabka idaacadda iyagoo ku dhowaad muddo 2 todobaad ahna fariisin ay u aheyd ciidamada dowladda agagaarka idaacadda.

19 kii bishii October kooxo aan la aqoonsan wali ayaa waxa ay toogasho ku dileen Kusimihii guddoomiyaha shabakadda warbaahinta Shabelle, Bashiir Nuur Geedi.

Sourse Shabelle

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: