Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed in loo midooba ladagaalanka Gumeysiga Dalka kusoo duulay.

gmis

 Wareysi Cod ah

 Halkaan ka akhri

 Halkaan ka Dhageyso

Guddoomiya kuxigeenka Guddiga Fulinta ee Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed kana mid ah Isbaheysiga Dib u xoreynta Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa markii ugu horeysay Wareysi Khaas ah siiyay Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya, wuxuuna kaga hadlay arrimo aad u fara badan oo ay kamid tahay xaaladda Dalka Soomaaliya.

Sheekh C/qaadir ayaa ugu horeyn waxa uu ka hadlay Xaaladda Wadanka Soomaaliya uu kujiro ee Gumeysiga ah, wuxuuna sheegay in wadanka uu kujiro xaalad aad u adag oo Gumeysi ah oo dadka Shacabka ahna dhibaatooyin fara badan loo geysanayo oo isugu jira Xasuuq ku aadan Dil, Dhac, Kufsi iyo sidoo kale barakicin.

Waxa uu Sheegay in dhibaatadaasi fara badan ay u geysanayaan Tikreeg dalka kusoo duulay iyo sidoo kale daba dhilifyadooda markii horey soo watay Tikreegaasi dadka Xasuuqaya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dagaalada ugu dambeeya ee Muqdisho ka dhacaya iminka uu ugu horeyn muujinayo in wadankii ay la wareegeen Itoobiyana, waxaana horey loo arki jiray in hawlgallada ay wadaan ay kala qeyb galaan Kooxda Mbgati lakin iminka sida muuqaneysa ayaa waxaa wada dagaalka keliya Tikreega dalka kusoo duulay.

“Waxaa laga hortagay Xasuuqii ay iminka sameeyeen mid ka darnaa oo ay damacsanaayeen, waxaa sidoo kale soo gaaray Tikreega dalka kuso duulay jab aad u xoogan bishani oo dagaalkii ugu ba’naa ay la galeen Mujaahidiinta Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh c/qaadir Cali Cumar.

Waxa uu sheegay in ciidamada itoobiyaanka ay madaafiic ku garaaceen xaafadaha magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha halkaasi oo ay k xasuuqeen Shacab aad u fara badan iyagoo sidoo kale dhac u geystay hantidii shacabka ay lahaayeen.

Ugu dambeyntii Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan iska dhicinta gaalada iyo kahortagga Gumeysiga Shacabka lagu hayo, wuxuuna sheegay in haddii la midoobo la gaari doono guul iminkana ay Shacabka yihiin kuwa guusha ay u soo carfeyso lakin sabar un looga baahan yahay.

Halkaan ka Dhageyso

Sourse Qaadisiya

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: