Hay`adda MSF Swiss oo dib u dejin u samaysay qoysaskii ka barakacay dagaalada Muqdisho ka socda.

teendho.gif

MSF SWISS

Halkaan ka akhri

Muqdishu ( SomaliSwiss ) 11.11.2007 

War uu noo soo diray Wakiilkeenna magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Hay`adda MSF Switzerland ee ka howl-gesha degmooyinka Gobolka sh/Hoose, waxay shalay ilaa iyo maanta ay wax weyn ka qabatay sidii ay u dejin lahayd Qoysas aad u fara badan oo ka barakacay deegaano ka mid ah magaalada Muqdisho oo maalmahan ka socday dagaalkii lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed.

Goobaha dadka ay ka soo qaxeen waxaa ka mid ah;deegaanada Gubta, Suuqa Xoolaha, Cali Kamiin, Hodan Howlwadaag iyo deegaanka dayniile, waxayna soo gaareen deegaano ay ka mid yihiin Ceelasha Biyaha, KM13, Xaawo Cabdi Lafoole, Jaamacadda Beetaha iyo Deegaanka Carbiska .

Dadkan intii ay soo socdeen ayaa la sheegay inay la kulmeen dhaca iyo duruufo nololeed oo ka mid ah harraad iyo gaajo, balse markii ay soo gaareen deegaanada kor ku xusan ayaa waxaa ugu horeyntii la kulmeen hoy la’aan . Hey’adda MSF Swiss, ayaa qoysaskaas oo ku hoyanaayay Dhirta hoostooda u sameysay dib u dejin, iyadoo Hey’addu ay ku caawisay qoysaskaas Bacaha laga sameysto aqal Soomaali si ay uga galaan roobab mihiigaan ah oo ku dul da’ayeen oo shalay ka curtay gobolka Sh/hoose.
 
Warku wuxuu intaa ku darayaa in qoysaskaan soo barakacay, ayaa la sheegayaa inay soo  wajahday cudurka loo yaqaan Isnadaamiska, waxayna MSF Swiss ku caawisay Sabuunta looga hortago ama lagu daweeyo Cudurka Isnadaamiska, iyadoo loo qeybiyay gebi ahaan.

Sarkaal sare oo u hadlaayay Hey’adda MSF SWISS, ayaa sheegay in dib u dejintaas ay u sameynayaan dadka barakacay ay sii wadi doonaan, islamarkaana ay u qorsheysan tahay inay dib u dejin u sameeyaan ilaa 3-kun qoys oo kale, taasoo tirada ka dhigaysa 6000-kun qoys.

Gargaarkaan ay MSF SWISS dib u dejinta ugu sameeneyso dadka ka barakacay Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxa uu qeyb ka noqonaayaa kan joogtada ah oo muddo lix bilood ah ay ka wado gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, kaasoo isugu jira baaris dhinaca caafimaadka ah iyo daawo siinba.

Sarkaalkaan u hadlay Hey’adda MSF SWISS, ayaa sidoo kale sheegay inay soo badanayaan caruurta uu hayo cudurka nafaqo darada ah, kuwaas oo loo xarun quudin ah oo ay MSF SWISS ka hergelisay deegaanka Xaawo Cabdi muddo 3-bilood laga joogo. 

SomaaliSwiss Wakiilka Muqdisho 

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: