Dowlad goboleedka Somaliland oo ansixisay Xeer lagu Caburinaya Saxaafadda Xorta ah.

Somaliland

Somaliland

 Halkaan ka akhri

Wargeysyada madaxa-banaan ee ka soo baxa Somaliland ee kala ah, Jamhuuriya, Haatuf, Ogaal, Geeska-afrika iyo Saxansaxo ayaa war murtiyeed wada jira ka soo saaray xeer cusub oo ay xukuumadu dhawaan u soo gudbisay Golaha Wakiillada, si ay u ansixiyaan.

Xeerkaas oo ah mid ay Xukuumaddu ugu talo gashay in Saxaafadda xorta ah, gaar ahaan kuwa la daabaco ee Wargeysyada, Majallaadka iyo Madbacadaha.  

War murtiyeedkaasi isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:   

Waxay xukuumaddu dhowaan golaha wakiilada u soo gud-bisay xeer ay ugu talo-gashay inay ku dhaqdo saxaafadda xorta ah, gaar ahaan wargeysyada madaxa banaan, laakiin nuxurka uu xanbaarsan yahay uu yahay in lagu tirtiro saxaafadda xorta ah, gaar ahaan wargeysyada madaxa banaan.

Xeerkaas oo ka kooban 120 qoddob markii aanu derisnay nuxurka iyo macnaha qoddobada uu ka kooban yahay waxa noo muuqatay inuu xanbaarsan yahay ujeeddo halis ku ah saxaafadda xorta ah iyo madax banaanida xoriyatul-qawlka, waxaana nooga soo baxay waxyaalahan:  

Xeerkani waxa uu si gaar ah u khuseeyaa oo loo samaystay wargeysyada madaxa banaan iyo mishiinada lagu daabaco, wuxuuna xanbaarsan yahay awoodo albaabada loogu xidhayo wargeysyada madaxa banaan iyo aalladaha lagu soo saaro, waayo sida ku cad qaar ka mid ah qoddobadiisa xeerkan laguma dhaqayo wargeysyada iyo Majalladaha ay leeyihiin hayadaha dawladda, asxaabta siyaasadda, hay’adaha samafalka IWM.  

Qoddobada uu xeerkani ka kooban yahay meel keliya lagagama xusin xeerka jira ee saxaafadda Somaliland ee uu baarlamaanku ansixiyey, madaxweynuhuna saxeexay, sidaana dhaqan-galka ku noqday dhawr sannadood ka hor. 

Xeerkani wuxuu si badheedh ah ugu hor-imanaya qoddobka 32aad ee dastuurka dalka u yaal, qoddobkaas oo si cad u qeexaya xoriyadda saxaafadda iyo xaqa ra’yidhiibashada muwaadiniinta.

Sidaa darteed xeerkani waa qayral-dastuuri. 

Xeerkani wuxuu dhigayaa inuu wasiirka warfaafintu awood u leeyahay xayiraadda, xidhista iyo la wareegidda mulkiyadda wargeysyada madaxa banaan iyo mishiinada lagu daabaco, isla markaana wuxuu xeerkani awood u siinayaa wasiirka warfaafinta inuu faro-gelin ku sameeyo hawlaha maamul, maaliyadeed iyo qoraal (Faaf-reeb) ee wargeysyada madaxa banaan, tusaale ahaan xeerkani wuxuu dhigayaa in wax kale iska daayoo xataa wiilasha yar yare e joornaalka iibinaya aanay iibin karin ilaa ay ruqsad (Ogolaansho) ka soo qaataan wasiirka warfaafinta.

Sidoo kale wuxuu xeerkani dhigayaa in xataa qoraallada ra’yi-dhiibashada ee dadweynaha la soo mariyo wasiirka warfaafinta oo aan la daabici karin ilaa uu ogolaado oo uu faaf-reeb ku sameeyo, sidoo kale ilaa xayeysiisyada lagu daabacayo jaraa’idka wuxuu xeerkani dhigayaa in la soo mariyo wasiirka warfaafinta oo aan la daabici karin ilaa uu ogolaado. 

Xeerkani waxa kale oo uu dhigayaa inay wasaaradda maaliyaddu awood u leedahay, jaangoynta iyo koontaroolidda dhaqaalaha wargeys-yada iyo inay dabagal ku samayso buugaagta xisaabaadka iyo foojarada lagu maamulo dhaqaalaha wargeysyada.  

Xeerkani wuxuu mam-nuucayaa in wargeysyada madaxa banaan wax kaalmo ah loo fidiyo gudo iyo debed-ba, oo aan xataa wax qaadhaan ah lagu caawin karin marka wargeys la ganaaxo, taasina waxay ka soo horjeeddaa qoddobada dastuuriga ah ee dhigaya in la dhiiri-geliyo, lana kobciyo madax banaanida saxaafadda, sidoo kale ar-xan darrada caynkaas ee uu xeerkani dhigayaa waxay baal-marsan tahay dhaqanka wanaagsan ee ay bulshadeenu caanka ku tahay ee ku salaysan hanaanka is-kaalmaynta. 

Xeerkani waxa uu xadidayaa xoriyadda dhaq-dhaqaaqa iyo xil-gudashada suxufiyiinta, wuxuuna dhigayaa in xataa weriyayaasha u shaqeeyo hayadaha saxaafadeed ee maxaliga ah iyo kuwa u shaqeeya wakaalada ajnebiga ah marka ay doonayaan inay u safraan gobolada iyo degmooyinka aanay bixi karin ilaa uu ogolaado wasiirka warfaafintu, wuxuuna ogolaan karaa ama diidi karaa inay tagaan marka ay u sheegaan ujeedada ay u safrayaan. 

Xeerkani wuxuu weriye ama qoraa u aqoonsanayaa qofkii ay ogolaato wasaaradda warfaafintu ee ay kaadh weriyenimo siiso, iyadoo markii la doono lagala noqon karo aqoonsiga la siiyey hadii uu yahay weriye u shaqeeya saxaafadda maxaliga ah iyo hadii uu yahay weriye u shaqeeya wakaaladaha ajnebiga ah-ba. 

Xeerkani markii aanu derisnay wuxuu ka hor-imanayaa xeer-nidaamiyaha garsoorka dalka, wuxuuna jiddaynayaa in saxaafadda lagu dhaqo  xeerarka ciqaabta iyo weliba qoddobo kale oo tilmaamaya ciqaabo cul-culus oo u gaar ah saxaafadda madaxa banaan, halka uu xeerka saxaafadda ee dhaqan-galka ahi dhigayo in wixii dembi ah ee uu suxufigu ku galo mihnidda saxaafadda loo raaco xeerka madaniga ah iyo in wixii anshax-marin ah loo raaco xeer-hoosaadka saxaafadda.  

Xeerkani waxa kale oo uu dhigayaa in mad-bacadaha wargeysyada lagu daabaco loo qabsan doono qoraallada ku soo baxa wargeysyada, taas oo ah cabsi-gelin lagu samaynayo mad-bacadaha lagu daabaco wargeysyada, loogana dan leeyahay inaanay mad-bacaduhu daabicin wargeysyada Madaxa banaan. 

          Xeerkani wuxuu dhigayaa inaan waxba laga qori karin duruufaha nololeed iyo dhaqan-dhaqaale ee bulshada, sida Sicir-bararka, musuq-maasuqa, shaqo la’aanta, maamul-xumada, cadaalad darrada, tacadiyada loo geysto muwaadiniinta, xad-gudubyada ay madaxdu ku geystaan awoodaha dawlad-nimo IWM.

           Haddaba haddii aanu nahay bahda wargeysyada madaxa banaan ee Somaliland iyo guud ahaan saxaafadda xorta ah waxaanu u aragnaa inuu xeerkani gebi-ahaanba aamusiinayo, meeshana ka saarayo xoriyadda madax banaanida saxaafadda iyo xuquuqda ra’yi-dhiibashada muwaadiniinta ee uu dastuurka dalka u yaal jiddeeyey. 

Waxa kale oo aanu u aragnaa inuu xeerkani horseed u yahay, uuna xanbaarsan yahay ujeeddo al-baabada loogu xidhayo saxaafadda xorta ah, gaar ahaan wargeysyada madaxa banaan oo aanay dib dambe u shaqayn doonin, iyadoo ay awel-ba saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland la daalaadhacaysay duruufo ad-adag oo kala duwan iyo tacadiyo ay kala kulmaan mihnadooda saxaafadeed. 

Waxa kale oo aanu u aragnaa inay talaabaddani daba socoto talaabooyinkii ay hore xukuumaddu ugu duudsiday xuquuqo kala duwan oo ay bulshadu leedahay, sida talaabadii ay ku fulisay xafiisyada komishanka qaranka ee ay xoogga kula wareegtay sannadkan horaantiisii, iyo sidoo kale talaabadii ay dhowaan xoogga kula wareegtay xafiiskii dalladda xuquuqal insaanka ee SHURO-Net iyo sidoo kale Siyaasiyiinta ururka QARAN ee u xidhan waxa ay aaminsan yihiin.  

Waxa kale oo aanu u aragnaa inuu xeerkani gogol-dhig u yahay oo uu xanbaarsan ujeedooyin ka sii balaadhan keliya tir-tiridda wargeysyada madaxa banaan iyo qalabka lagu daabaco, iyadoo la ogyahay doorka ay saxaafadda xorta ahi, gaar ahaan jaraa’idku ka soo qaateen dhismaha Jamhuuriyadda Somaliland, haddii ay tahay dhinac nabad-gelyo, hadii ay tahay dhinac horumar iyo hadii ay tahay dhinaca doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda. 

Marka la isku soo duubana waxaanu u aragnaa inuu xeerkani yahay talaabadii ugu dambaysay ee ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale si kama dambays ah ugu xuubsiibanaysay nidaam digtaatoori ah iyo inay taasi tahay dhamaadka nidaamka dimoqraadiyadda iyo hanaanka asxaabta badan ee ay ummaddu hirgelinteeda tacabka badan u soo hurtay.   

Sidaa darteed waxaanu ugu horayn baarlamaanka ugu baaqaynaa inay xeerkan halkiisa ku celiyaan, ayna iskaga xishoodaan inay ka doodaan, waxna iska waydiiyaan xeer caynkaas ah, iyagoo ummadda wakiilka ka yihiin uga tudhaya in lagu dhaqo xeer xanbaarsan ujeeddo tacadiya.  

Sidoo kale waxaanu shacbiweynaha reer Somaliland, Asxaabta siyaasadda, ururada xuquuqal insaanka iyo ururada saxaafadda, kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah-ba ugu baaqaynaa inay xeerkan jariimadda ah door mug leh ka ciyaaraan sidii looga hor-tegi lahaa, hadii kale waxa uu dhaqan-galka xeerkani keeni doonaa cawaaqib-xun oo saamayn ku yeesha mus-taq-balka iyo jiritaanka ummadeed ee qaranka Somaliland, wuxuuna xeerkani hadii uu dhaqan-galo noqon doonaa gabood-falkii ugu xumaa ee loo geysto madax banaanida saxaafadda iyo xoriyatul-qawlka muwaadiinta Somaliland.  

Masuuliyiinta bayaanka soo saaray:

 1- Faysal Cali Sheekh Gudoomiyaha

2- Cali Cabdi Diini Tifaftiraha Haatuf

3- Muuse Faarax Jaambiir Gudoomiyaha Ogaal 

4- Maxamed Xuseen (Rambo) Tifaftiraha Geeska Africa

5- C/laahi Max’ed Daahir (Cukuse) Gudoomiyaha Saxansaxo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: