Afhayeen Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye oo Saakay ay Ciidamo ka amar qaata Maxamed Dheere ka kaxaysteen gurigiisa Sabab la`aan.

axmed_diiriye.jpg

Halkaan ka akhri

Muqdisho Axad ( SomaliSwiss ) 11.11.2007  

Waa wax la filayey in dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada doonaysa inay iska xoreeyaan ama iska tuuraan heeryada gumeysiga cusub ee loo soo wakiishay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ee ku soo duulay dhulka Soomaaliyeed, balse kuwani waxaa ka sii daran in maanta dhegaha Soomaalidu ay ku soo dhacaan in Ciidamo daba-dhilif ah ee ka amar qaata Dowladda ku sheegga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho oo aad hubeysan, watana gaadiidka dagaalka ay maanta gurigiisa kala baxeen Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali. 

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad, ayaa xaqiijiyay xarigga Axmed Diiriye Cali, wuxuuna sheegay in ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Mbegati ay xoog ku jebiyeen iridka Guriga uu Muqdisho ka deganay Axmed Diiriye Cali, kadibna ay halkaas ka kaxeysteen isaga, labo wiil oo uu dhalay iyo weliba Xubin kale oo ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye. 

Mudane Maxamed Xasan Xaad, wuxuu intaas ku daray inuu aad uga xun yahay xarigga loo geystay Axmed Diiriye Cali, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aaney jirin dhibaato uu geystay ee uu ku muteystay in la xiro.  

Xarigga loo geystay Axmed Diiriye waa mid meel ka dhac ah oo la doonayo in lagu joojiyo ka hadalka dhibka loo geysanayo bulshada Soomaaliyeed, balse waxaan hubaa oo aan rumeysan nahay ayuu yiri Mudane Xaad in Afhayeenka Beelaha Hawiye loo xiray ka hadalka dhibaatooyinka ay geysanayaan Ciidamada Dowlad ku sheega iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho  ku sugan. 

Guddoomiye Xaad, wuxuu sheegay inay in muddo ah hanjabaado ka soo gaarayeen Maamulka Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ciidamada Dowlad ku sheega iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ugu hanjabayeen in la dili doono. 

Ugu dambeyntiina, Ahayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa laga kaxeystay guri ku yaala agagaarka Wadada Labaad ee Suuqa  Bakaaraha iyadoo Suuqaas ay saakay ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah, isla markaana ay gudaha Suuqa ku jiraan Ciidamo tiro badan oo ka amar qaata Dowladda, kuwaasi oo xiray waddooyinka Suuqaas soo gala. 

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho 

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: