Cambaareeyn
 Halkaan ka akhri
         Â
     Â
Â
         Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda
Si weyn uga tiiraanyeeysan Xasuuqyadda,gumaadka iyo xadgudubyadda ka
dhacaaya Caasimadda Qaranka Somaaliyeed(Muqdisho)waxaanu halkan ku
soo gudbineeynaa:-
 1-Camaabeeynta Falalka Xasuuqyadda xad dhaafka ee Maalmahan ugu
Dameeyeey ka dhacay Magaaladda Muqdisho Ciidamada Gumeeysigga
Wayaanaha Itoobiya ku gumaadeen Muwaadiniin Somaaliyeed oo Tiradoodu
Gaareeyso ilaa 35-Qof, weliba si cad oo bareer ah lagu jiheeyeey Madaafic
ito gantaalo culus, laguna laayeey guryahooda dhexdiisa.
 2-Dhaq-dhaqaaqu muxuu Masuuliyada xasuuqyadaas,Tacadiyada joogtada
ah, Bara-kiciin,Boodka iyo burburinta Tiirarka Ganacsiga, Fara-Xumeeynta
Haweenka iyo Qafaalhadda Shakhsiyaadka Aqoonta leh dusha ugu tuuraaya
Taliska Ciidanka Gumeeysiga Itoobiyaanka iyo Meleeshiyaadka Rajiimka
Fadhiidka ah, iayadoo la wadda ogyahay Dowladaha iyo goobaha amarka
laga soo dhiibo.
3-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu
ku tilmaamaayaa Dhacdooyinkaas Gumaad qorsheeysan, hab ku
Talo galkiisa leh iyo Xasuuqo naxariis darro ah loo geeysanaayo
Ummadda Somaaliyeed, waana Talaabo cadoownimo, Naceeyba
iyo Isir Safeeyn ah.
  4-Dhaq-dhaqaaqu wuxuu cadeeynaayaa in heerka Xasuuqo oo
Xiligan ka Socda Gudaha Dalka Somaaliya, gaar ahaan Muqdisho
u dhigmo ama ka daran yahay kuwii ka dhacay Dalka Ruwanda,
Bosniya,Afgaanistaan iyo Dalka Ciraaq,eeyna Fulinaayaan kuwo
Sheegta Dowlado Illaaliya Xuquuqda Basahrka,laakiin runtii ah
Gacan ku dhiiglayaasha ugu waaweyn Aduunka.
  5-Dhaq-dhaqaaqu wuxuu Cambaareeyn dusha uga tuuraayaa
Rajiimka Fadhiidka ah,gaar ahaan Madaxda Sare iyo Xildhibaano
ku sheega Maxaabiista Baydhabo ku ah oo raali ah,daawadayaal
ka ah Gumaadka Ummadda Somaaliyeed, waana arriin ayaan
Daradeeda leh.
  6-Sidoo kalle waxaan Cambareeyn u soo jeedineeynaa Beesha
Calaamka gaar ahaan Dowladaha waaweyn,Ururadda Caalamiga
ah,Warbaahinta iyo Saxaafadda Aduunka,Bahweynta Mujtamaca
Aduunka oo indhaha iyo dhegaha ka dabooshay dhibaatadda ka
taagan Dalka Somaaliyeed, waana arrin Masuuliyada Xumo ah,
laa oran karaayo raali ayaa laga yahay.
 7-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu Ummada Somaaliyeed
ugu baaraayaa diidmada heeryada gumeeysiga, ka gilgilashada
Tacdiyadda dhacaaya, waxaana mudnaan leh Maanta Midnimada
iyo isku duubnidda Dadweynaha,iska caabinta Ciidanka Zanaawi
iyo Meleeshiyaadka Rajiimka Fadhiidka ah, abaabulidda banaan
Baxyo iyo Mudaaharaada balaaran oo gudaha iyo debedaba laga
Sameeyo, taakuleeynta Dadka tabaaleeysan oo ku bar-kacsan
Gudaha Dalkeena Hooyo.
 -Maya Gumeeysiga, Maya Xasuuqidda Muwaadiniinta, Maya
Fara-xumeeynta Haweenka, Maya Afduubka Caqliga iyo Aqoonta
Maya Boobka iyo burburiinta Ganacsiga iyo Hantida Dadka,maya
Xoriyada ka qaadida Bulshadda,Maya xakamiinta iyo Cabudhinta
Saxaafadda iyo Warbaahinta, Haa Hanaan Nabadeed,Adeegsiga
Caqliga, Hab Wada Tashi iyo raacidda Aragtida iyo Rabitaanka
Ummadda Somaaliyeed, haa Dowlad Cadaalad,Sinaan iyo hab
Garsoor xaq ah leh, daryeel bulsho iyo Hogaan Daacad ah.
–Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda Midnimadda Iyo Cadaaladda-
-England-UK- 10/11/2007-
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: Xasan Carab |
You must be logged in to post a comment.