Advertisements

Sheekh C/qaadir Cali Cumar:- “Dagaalku waanu sii wadi doonaa inta Ciidamada gumeysiga Ethiopia aan xoog dalka uga bixineyno, waanu halaajin doonaa”.

Midowga MMI

Sh. C/qaadir C/ Cumar

 Halkaan ka akhri

 Midowga MMI

Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamiga Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in ay sii wadi doonaan dagaalada ka dhanka ah ee ay uga soo horjeedaan Cadawga dalka qabsaday.

Gudoomiye Kuxigeenkii Golahii Maxkamadaha Islaamka Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo u waramayay TV-ka Al-Jazeera ayaa sheegay in Muqdisho uu ku sugan yahay, isla markaana dagaal yahanada Maxkamadaha ay sii wadi doonaan Dagaalka kadhanka ah gumeysiga Ethiopia.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ahaa ku xigeenka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in ay qaadi doonaan dagaal ay ku halaajin doonaan Ethiopianka xasuuqa iyo gumeysiga ka wada Caasimada Muqdisho.

“Dagaalka inagaa wadna, waanu sii wadi doonaa inta Ciidamada gumeysiga Ethiopia aan xoog dalka uga bixineyno, waanu halaajin doonaa”ayuu yiri Sheekh C/qaadir Cali Cumar.

Hadalka kasoo yeeray Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ka tirsanaa Maxkamadahii Islaamiga ayaa ku soo aadaya, xilli dagaalo fool ka fool ah ay Muqdisho ku dhex marayaan xoogagga Muqaawamada & Ciidamada gumeysiga Ethiopia, dagaaöadaasoo markii ugu horeysay jab is daba joog ah lagu gaarsiiyay Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

SomaliSwiss Bern Switzerland

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: