Advertisements

Meydad dad rayid ah oo ay xasuuqeen Ciidamada gumeysiga oo aad u tira badan ayaa maanta hadana laga soo saaray Xaafadaha Muqdisho qaar, (Sawirada Daawo).

Xasuuq113

Meydad dad Rayid ah

 Halkaan ka akhri

Meydadka illaa 28 qofood oo ahaa rayid ayaa maanta laga helay goobo ay ka guureen ciidamada gumeysiga Ethiopia ee xaafadda Shiirkole ee magaalada Muqdisho.

Meydadkan ayaa maanta waxaa lagu arkay agagaarka garaashka dugsigii Muuse Gadaal ee xaafadda Shiirkole, kadib markii halkaasi, ciidamada gumeysiga Ethiopia ay maanta isaga guureen.

15 ka mid ah meydadkaan oo meel lagu wada dilay ayaa laga helay agagaarka Masjidka Cali Shire, waxaana meydadka qaar oo bararay ku jiray Haween uur leh iyo odayaal.

Sidoo kale waxaa jira meydad kale oo wali ku jira xaafadahaasi oo aan weli dadku soo wada eegin guryahooda iyo wadooyinka qaar oo uu liif saaran yahay owgeed.

Meydadkan ayaa lagu arkayay jirkooda kuwa laqowracay iyo kuwa xabado tira badan ay jirkooda ku yaalaan, iyadoo sido kale lagu arkayay haween jirkooda la is ticmaalay kadibna madaxa xabad looga dhuftay.

Subaxnimdii hore ee saaka ayay aheyd markii illaa Lix meydad ah laga helay qeybo ka mid ah isla xaafadda Shiirkoole ee magaalada Muqdisho.

Meydadka labadan maalmood lahelay illaa kor u dhaafaya ill 85 qof oo rayid ah, halka dhaawucuna uu 200 kor udhaafay.

Si kastaba ha ahaatee Meydadkan ayaa waxaa ku jira kuwa Siyaasiyiinta isku sheegaya qaar ee kujira Baarlamaanka Soomaaliya, Eheladooda iyo walaalohood intaba, kuwaasoo Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay isugu mid yihiin oo aanay u kala soocneen Shacabka Soomaaliyeed, madfacyadana ugu qeybiyay guri guri. 

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

xasuuq111Xasuuq113

Haweeney la dhalatay Siyaasiga Max’ed Faarax Jimcaale

Advertisements
%d bloggers like this: