Bannaanbax aad u ballaaran oo looga soo horjeeday Xasuuqa Wuxuushnimada ah ee ay geysteen Ciidamada gumeysiga Ethiopiyan (Sawirada Daawo).

mudaharaad2.jpg

Mudaaharaad

Halkaan ka akhri

London (SomaliSwiss) 10.11.2007 

Waxaa maanta ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska mudaaharaad ay ka qeybgaleen dad Soomaali ah u fara badan, kaasoo loogu soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Mareykanka iyo Joogitaanka Ciidamada Ethiopiyaanka ee geyiga Soomaaliya. 

Dadka bannaanbaxayey oo shacuurtooda aad u kacsanayd, ayaa waxaa ka muuqday sida ay uga xun yihiin Xauuqa  waxooshnimada ah oo loo gaysanayo waxayaabo ka baxsan Bani`aadannimada sida jir-dilka, Faraxumaynta iyo iyadoo lagula kacay in loo gowraco sida Xoolaha. 

Bannaanbaxan oo ay soo qabanqaabiyeen Soomaali isugu jirta Aqoonyahanno iyo ururo ka jira magaalada London, balse waxaa aad u soo camiray , haween & Caruur iyo waayeelo kuwaas oo ay ka muuqatay caro xad dhaaf ah oo ay u qaban Ciidamada Etiopiyaanka sida ay ula dhaqmeen bulshada ku nool magaalada Muqdisho. 

Sida lagu soo warramay bannaanbaxan, ayaa bilaabmay 1dii duhurnimo ee saacadda London dhamaadayna abaarihii 6da maqribnimo, waxaana halkaasi qudbado ka jeediyey dadkii soo qabanqaabiyay mudaaharaadkan. 

Ugu dambeyntii Bannaanbaxan oo lagu qabtay Barlamaanka wadanka Ingariiska hortiisa, ayaa waxaa loo gudbiyey cabashooyin, balse maamulka Aqalka ayaa ka gudoomay warqaddii  cabashada ahayd, waxaana dhawaan la soo hor dhigi doono Golaha Barlamaanka Ingariiska. Sidoo kale waxaa la filayaa in banaanbaxayo kale oo is daba joog ah oo qaban-qaabadiisa ay ka socota dalal badan oo Reer Yurub ah  ayaa ka dhici doono Toddobaadyada soo socda magaalooyin uga waaweyn .  SomaliSwiss Wakiilka London 

somaliswiss@hotmail.com

mudaharaad2.jpg

%d bloggers like this: