Xoghayaha Guud ee Q.M Ban Ki-moon oo doonayo inuu Soomaaliya Ciidamo u Soo diro, kadib markii dadkeeda la xasuuqo oo labaabi’iyo.

ban-ki-moon1.jpg

Halkaan ka akhr

New York (Somaliswiss) 09.11.2007 

War saakay ka soo baxay Xarunta Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in Xoghayaha Guud Mudane Ban Ki-moon uu saxaafada uu siiyey in Ciidamo nabad ilaalineed ee caalami ah aysan xilligan u soo diri karin Dalka Soomaaliya, sababtoo ah ayuu yiri Xoghayuhu, waxaa  Soomaaliya ka jirto colaad xoog badan iyo dagaallo aan kala gò lahayn.

Hadalka ka yeeray  Xoghayaha Guud Q.M ayaa lagu fasiri karaa in Q.M ay doonayso inay ciidan u dirto ama ay geyso goor dambe kadib maka dadka oo dhan la xasuuqo oo labaabi’iyo. 

Mudane Ban Ki-moon ayaa sheegay in xaalada ka jirta Soomaaliya, awgeed aysan saamixi karin in Ciidamo nabad ilaalin ah ay geeyaan Soomaaliya, wuxuuna intaa raaciyey xattaa inay suurta gal aheyn in koox farsamo ah loo diro Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeeray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ku soo aaday, xilli Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay ka codsatay Qaramada Midoobey in ay soo dedejiso Ciidamada Nabad ilaalinta. 

SomaliSwiss New york 

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: