Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Ban Ki-moon oo walaac ka muujiyey dagaal ka qarxo Xaduuda Eritrea & Ethiopia.

eritreafiring.jpg

Halkaan ka akhri

New York (SomaliSwiss) 09.11.2007

 Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Ban Ki-moon ayaa si dhab ah ugu walaacsan, wararka isa soo taraya ee ku saabsan dagaal ka qarxa ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea, wayyo labadan dal ayaa in mudda ahba isku hor fadhiyey xariiqda Xuduudaha labada dhinac. 

Cabsida qaraxa dagaalka ee labada dal, ayaa soo badanaysay maalinba maalinta ka dambeysa, balse waxaa Toddobaayadan dambe socday xoojinta qalabka dagaalka iyo   diyaar-gareynta Ciidamada ee labada dal (Eritrea & Itoobiya). 

unmee039.jpg

Mudane Ban Ki-moon ayaa shalay warqad u qoray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo ku micnaynayo dereenkiisa iyo walaaca uu ka qabo inuu halkaas dagaal ka qarxo.

unmee048.jpg

Xoghayuhu wuxuu ka codsaday labada dhinac inay xaaladda qaboojiyaan, dhowraanna heshiisyadii dagaal joojinta ahaa ee lagu saxiixay dalka Aljeeriya Sanadkii 2000, kaasoo ay ku nafwaayeen 70.000/kun oo qof.
Xoghayaha Guud ee QM, ayaa si taxadar leh uga codsaday Eritrea iyo Itoobiya inay ku  ekaadaan xariiqin nabadeedka ku meel gaar ah ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Ilaalada ee Qaramada Midoobay.

Hase yeeshee Mudane Ban Ki-moon wuxuu ku adkeeyey inay raadiyaan, helaanna xal nabadeed loogu gudbi karo xaaladda hadda ka taagan Xuduuda labada dhinac. SomaliSwiss ZürichXigasho SwissinfoTarjume Dhicisow

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: