Xasuuq ay ciidamada gumeysiga Ethiopia u geysteen shacabka Muqdisho, tirada dadka ay xasuuqeen ay kor u dhaaftay in kabadan 50 qof.

xasuuqa shacabka

Xasuuqa Shacabka

 Halkaan ka akhri

Meydadka ku dhowaad 48 ruux oo la sheegay in Shalay, xalay ilaa saakay ay ciidamada gumeysiga Ethiopia dileen ayaa laga kala helay degmooyinka Huruwaay iyo Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho, xilli rasaas goos goos ah iyo madaafiic ay ka dhaceyso agagaarka goobihii shalay lagu dagaalamay ee wadada 30 ka ee magaalada Muqdisho.

Meydadka 21 ruux oo ay ku jiraan haween oo ay dileen ciidamada Ethiopia ayaa saakay waxaa lagu arkay xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigleey oo galinkii dambe ee shalay ay soo galeen ciidamada Ethiopia.

16 ka mid ah meydadkaan ayaa waxaa laga helay dhismaha Sargaduud oo ku yaala agagaarka Furayaasha ee xaafadda X/jadiid oo shalay ay soo fuuleen ciidamada Ethiopia, halka 5 ka mid ah meydadkaana laga helay agagaarka Iskuulkii Madiino Warsame ee degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Meydadkaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo labo labo iyo qof qof u yaalay waddooyinka dhex mara xaafadahaasi, gaar ahaan iskuulka Xaliimo Warsame.

Wararka laga helayo xaafado ka mid ah Muqdisho oo ah aaggagii ay shalay dagaaladu ka dhaceen ayaa waaberigii Jimcada la sheegay in lagu arkay meyd dad rayid ah oo ciidamada gumeysiga Ethiopia ay dileen, tirada rasmiga ah lama oga laakiin dad goob joogayaal ah ayaa ku sheegay in tirada dadka meydkooda la arkay lagu qiyaasay ugu yaraan 50 ilaa 60 qof iyo ka badan.

Wararka ayaa tilmaamay in dadkaas qaar loogu galay guryahooda, halkaasna ay ciidmada gumeysiga Ethiopia ku dileen dad shacab ah.

Dhibka ugu badana waxa lagu soo waramay in ay u geysteen shacabka ka ag dhow suuqa xoolaha iyo Xamar Jadiid, waxaana wararku sheegayaan in dadka ay ciidamaad gumeysiga Ethiopia dileen in ay ku jiraan carruur iyo haween xaamilo ahaa.

Waxaa la aaminsan yahay in ay jiraan meydad wali yaala xaafadaha qaar oo ay ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia sida meelo ku dhow dhow Black Sea, Albaraka, iyo Xaafadda Xamar Jadiid.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: