Madax ka tirsan Dowladaha Carabta oo markii u horeysay ka shanqariyay in dalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta Gumeysiga Dowladda Ethiopia.

King of the State of Qatar

King of the state of Qatar

Halkaan ka akhri

Madax ka tirsan Dowladaha Carabta oo markii u horeysay ka shanqariyay in dalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta Gumeysiga Dowladda Ethiopia.

Madax ka tirsan Dowladaha Carabta ayaa markii u horeysay ka shanqariyay in Soomaaliya ay ku jiro gacan Gumeysi, isla markaana loo baahan yahay in Dowladaha Carabtu gacan ka geysato sidii Soomaaliya Gumeysiga looga saari lahaa.

Amiirka Dalka Qadar ayaa noqday Madaxii ugu horeeyay ee Carbeed oo qira in Soomaaliya ay gashay gacan Gumeysi, loona baahan yahay in si deg deg dalka looga saaro Ciidamada ku soo duulay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al-thaani ayaa oo la hadlayay Saxaafad Gudaha iyo Dibada ayaa sheegay in dalka Soomaaliya la heysto, isla markaana caalamka looga baahan yahay wax ka qabashada Xaaladaha Bani’aadanimada ee ka jirta Dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in maalin waliba la xasuuqo shacab Soomalaiyeed oo iyagu si aad ah u diidan Gumeysiga Ethiopia.

Waxa uu sheegay in wadan Xor ah oo calankiisa ka taagan yahay UN-ka in xoog lagu heysto waxa uu yiri waa mid ka hor imaaneysa sharciga Caalamiga ah.

Hadalka Madaxan Carbeed ka soo yeeray ayaa noqonaya kii u horeeyay ee hadalo aan looga baran Madaxda Carbeed ay jeediyaan, kaasoo ah mid ay si toos ah ugu abaaraan Arrimaha ka aloosan wadanka Soomaaliya, iyadoona Madaxan Carbeed uu noqonayo mas’uulkii ugu horeeyay ee Jaamacada Carabta ka tirsan oo sheega in dalka Soomaaliya uu Gumeysi ku jiro.

SomaliSwiss  Qatar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: