Advertisements

Muwaadin Somali:- “Xalay Salaadii Subax ayaan arkay Baabuur badan oo ‘Ethiopian ah oo halkan taagan, waaga markuu maryayna labadan wiil meydkooda ayaamba aragnay”

Meyd

laba dhalinyaro

Halkaan ka akhri

Waxaa saaka lagu arkay agagaarka warshaddi hore ee Sigaarka & Taraqa meydadka laba wiil oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ay meydadkooda ka muuqdaan rasaas iyo jirdil aad u xoogan.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo gaaray goobta ay meydadkaasi yaaleen ayaa sheegay in meydadkasi waxyeelo ba’an ay kasoo gaartay jirdil aad u xoogan oo loo geystay intii aan la dilin waxaana ku taalla rasaas looga dhuftay wajiga iyo madaxa.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Meydadkani ay soo dhigeen Baabuur ay wateen Ciidamada Ethiopia, sida uu xaqiijiyay mim kamid ah dadka deegaanka, “Saakay Salaadii subax markaan tukaday oo ay mugdi mugdi tahay ayaan arkay Baabuurtan oo ay wateen Ciidamo Ethiopian fara badan oo meesha taagan, waxaana is lahaa qashin ayeey iska daadinooyaan, waaga markuu maryayna labadan wiil meydkooda ayaamba aragnay” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.
Waxaa lagu qiyaasay meydadkaasi in ay toogteen Ciidamada Itoobiya ee xalay ku sugnaa agagaarahaasi mise ay kamid ahaayeen dad dhalinyaro ah oo Ciidamada gumeystaha Ethiopia ay dhawaan ka qafaasheen deegaanka Gubta markii dagaalo xoogan ay ka dhaceen.
Meydadkan ayaa wali yaalla wadada mana jiraan cid aqoonsatay si halkaasi looga qaado, dadka ayaa ged gedinaya meydadkaasi si ay u aqoonsadaan maadaama ay si xun gacmaha isaga xiran yihiin wajiyadoodana rasaastii ay bur burisay.
Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horeysay ee Ciidamada gumeystaha inta ay dad dilaan waaga markuu barya laga helo banaanka, weliba ayagoo si arxan dara ah loo soo dilay, taasoo ay caado u tahay gumeystayaasha.
SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Advertisements
%d bloggers like this: