Advertisements

Meydadka laba wiil oo walaala ah oo ciidamada gumeysiga Ethiopia ay dileen oo galabta laga helay deegaanka Siliga Towfiiq.

xasuuq1

Xasuuqa Shacabka

Halkaan ka akhri

Meydka Labo wiil oo dhalinyaro ah oo ay dileen ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa lagu arkay xaafadda Gubta, halkaasi oo waabarigii hore ee saakay ay galeen ciidamo Ethiopian ah oo howl-gallo ka waday.

Labadan wiil oo ahaa dhalinyaro isla dhalatay ayaa mid ka mid ah waxa uu ahaa 13 jir baran jirey qur’aanka kariimka, halka kan kalena uu ahaa 30 jiri ku xamaalan jirey gaari dameer.

Hooyada wiilshaan dhashay oo la yiraahdo Xaliimo C/laahi Cabdi ayaa sheegtay in wiilasheeda ay saakay ka tageen tageen, kadibna laga war helay in ciidamo Ethiopian ah ay soo galeen xaafadda Towfiiq gaar ahaan Silligga oo ay daganaayeen wiilasheeda, waxaana ay sheegtay in meydadka wiilashaan loo keenay galabta, iyadoo aan la socon sababta ay ciidamada Ethiopa u dileen.

Hooyada labadan wiil oo ilimeyneysay ayaa Waxa ay sheegtay in wiilka 30 jirka ah lagu dhuftey 3 xabadood iyadoo jirkiisana ay kamuuqdeen jir dil xoogan, halka 13 jirka baran jirey qur’aanka kariimkana lagu dhuftey hal xabo.

Wiilka 30 ka jirka ah ee geeriyooday ayaa waxaa ku tiirsanaa nolosha qoyskaan, iyadoo Aabaha qoyskan uu yahay Indhoole, Hooyadana qoyskana ay ku xamaalan jirtey dameer ay u qaaraameen dadka xaafadda si ay ugu noolaadaan ama nolol maalmeed kooda uga raadsadaan.

Waxaa Maanta kaliya Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay dileen illaa 8 dhalinyaro ah, oo meydadkooda laga kala helay xaafado kala duwan oo xerooyin u ah Ciidamadaasi.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: