Advertisements

Kolonyo ciidamo Ethiopian ah oo kusoo jeeday magaalada Muqdisho oo qarax lagula beegsaday degmada Afgooye.

bom

Qarax Afgoye

Halkaan ka akhri

Ciidamado Ethiopian ah oo ku soo jeeday Magaalada Muqdisho ayaa Qarax waxa uu ku qabsday degmada Afgooye, qaraxaas oo la sheegay in ay si xun ugu hoobteen Baabuurkii ay qabsatay miinada.
Qaraxaan ayaa ahaa Miinada gacanta laga hago oo wadada dhexdeeda loogu aasay, kadibna kolonyadii Ciidamada Ethiopian-ka uu mid kala kacay, iyadoo midkale oo labaadna lasheegayay in uu holcayay, ayaan ilaa hada aan la xaqiijin karin qasaaraha soo gaaray Ciidamada gumeystaha Ethiopia ee ku soo jeeday Magaalada Muqdisho, ciidamadaan ayaa ku hubeysnaayeen dabaabaadka dagaalka.
Dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijyeen in Qarax miino oo Ciidamada Ethiopia ee ku soo jeeday Magaalada Muqdisho uu qarax uu ku qabsaday ayadoona dadka deegaanka ay sheegeen in ay arkayeen laba baabuur oo waaweeyn oo holcayay.
Dhawaan ayaa Ciidamada gumeystaha Ethiopia baabuur ay wateen lagu qarxiyay degmada Wanla Weyn xili ay ku soo jeedeen magaalada Muqdisho.
Dhowanahamba waxaa kusoo qulqulaya magaalada Muqdisho Ciidamada gumeystaha Ethiopia, iyagoo weliba jiidaya Taangiyada Dagaalka.
SomaliSwiss Afgoye
SomaliSwiss@hotmail.com
Advertisements
%d bloggers like this: