Advertisements

Isbahaysiga Dib-U-Xoraynta Soomaaliya oo Samaystay qalab warbaahineed Website cusub oo ku hadla Afka Isbaheysiga.

Isbaheysiga

Websiteka Isbaheysiga

Halkaan ka akhri

Asmara 06/11/2007 Galabta 4:45pm, ayaa gudiga warfaafinta u qaabilsan Isbahaysiga Dib-U-Xoraynta Soomaaliyeed, uu albabada ufuray siminaar soconaya mudo hal asbuuc ah oo lagu baranayo Aqoonta warbaahineed, Siminaarkan oo furmay Magaalada Asmara oo xarun ku meel gaar u ah Isbahaysiga.

Kulankaan oo galabta dhacay ayaa Xoghayaha Warfaafinta u qaabilsan Isbahaysiga Md. Axmed Cabdullahi uu uga dhawaaqay in uu isbahaysigu ku tallaabsaday sameeynta meel uu kala hadlo Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Xoghayaha warfaafintu waxa uu sheegay in maanta daaha laga jaray Website uu leeyahay Isbahaysigu kaas oo ay Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ka helikaraan akhbaarta ugu dambeysa ee dalka, iyo siyaasadaha uu doonayo inuu xaqiijiyo xilliga dhaw iyo kan fogba, waxaa kale oo laga heli doonaa hadduu Allah idmo maqaallo iyo qoraallo kale oo cilmi ah oo saameynaya dhinacyada kala duwan ee nolosha bulshda Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo xusid mudan ayuu yir Xoghayaha Isbahaysiga u qaabilsan Warfaafinta in ay ku sii talaabsan doonaan abuuridda dhamaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta, si loo xoojiyo dib u xoreynta dalka looguna dhawaado afkaarta iyo rabitaanka shacbka Soomaaliyeed.

Websaitkan maanta ay ku dhawaaqeen madaxda Isbahaysiga Dib-U-Xoraynta Soomaaliyeed oo ciwaankiisu yahay ” www.somaliaonline.info   “, ayaan si rasmi ah u shaqo gelin, waxaana uu ku jiraa maexaladdii tijaabada, iyadoo sida la qorsheeyey uu todobaadka soo socda uu si buuxda u soo hawlgeli doono.

Hadaba dadka sharfta leh ee booqanaya website-ka waxaa laga codsanayaa inay afkaartooda,qoraalada ay doonayaan in la faafiyo iyo talooyinka lagu sii hagaajin karo inay ku soo hagaajiyaan cinwaankan: webmaster@somaliaonline.info

Halkaan ka booqo Website-ka cusub ee Isbaheysiga www.somaliaonline.info

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: