Odayaasha dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye oo war saxaafadeed ka soo saaray Arimaha Xajka iyo Baasaboorada.

hawiye3.jpg

Odayaasha Hawiye

Halkaan ka akhri

Muqdhisho Isniin ( SomaliSwiss ) 05.11.2007 

 Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa waxay maanta ka soo saareen magaalada Muqdisho warsaxaafadeed ay ku canbaareeyeen go’aanka adag ee dawladda Federaalka Somaliya ku gaartay ee ahaa in  la adeegsan kareynin Baasaboorkii Hore, taasi oo keentay sanadkan in Soomaaliya ay Xajkii ka baaqsadaan dad aad u fara badan.

Warsaxaafadeedka Odayasha Hawiye ayaa lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay shacabka Somaliyeed in loo turo maadaama ay ku adkaatay helitaanka Baasaboorkan Cusub isla markana howlihii xajka iska hortaagay. 

Bayaanka kasoo baxay odayaasha ayaa ugu baaqayay shacabka in ay kasoo horjeestaan baasaboorkan maadaama uu yahay mid aysan dooneyn Caalamkuna aad u aqoonsaneyn. 

Odayaasha Hawiye waxa ay baaq u jeediyeen Wadamada Jaamacadda Carabta,Ururka Mu’tamarka iyo dalalka Islaamka gaar ahaan Sucuudiga iyagoona ka codsaday in ay soo fara galiyaan arrimahani. 

Warsaxaafadeedka odayaasha oo uu ku saxiixnaa Gudoomiye Max’ed Xasan Xaad ayaa sidoo kale ku adkeeyay dadka doonaya in ay xajka ka baaqsadaan in aysan talaabadaasi ku dhaqaaqin isla markaana baasaboorki u fudud ay diyaarsadaan. 

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho 

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: