Kolonyo Baabuur ah ee ay wateen Ciidamada Ethiopia oo saakay mid kamid ah lagu qarxiyey deegaanka Wanla-weyn.

gari.jpg

Daafeed

Halkaan ka akhri

Muqdisho Isniin ( SomaliSwiss ) 05.11.2007 

Baabuur kolonyo ah ee ay wateen Ciidamo cusub Ethiopian ah oo u socday Magaalada Muqdisho, ayaa saakay aroornimadii hore Qaraxyo culus lagula beegsaday agagaarka Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Sh/hoose.  

Sida ay sheegeen dadka deegaanka in la qarxiyey Kolonyo baabuur ah oo saaran ciidamada Ethiopian-ka, kuwo xambaarsan Taangiyo iyo kuwo jiidayo  Madaafiicda goobta, qaraxaas wuxuu ka dhacay afaafka hore ee Degmada Wanlaweyn xilligii Salaadda Subax, ayaa waxa ay gaaraan ilaa Laba qarax, halka wararka qaarna ay sheegayaan in ay yihiin ilaa Saddex qarax kuwaasi oo loo adeegsaday aaladda Remote-Control-ka loo yaqaano. 

Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha dhabta ah ee gaaray Ciidamada Ethiopian-ka ee Qaraxyadaasi lala beegsaday, waana Qaraxyadii 2aad oo muddo Laba maalin gudahood ah lala beegsado Kolonyo Ethiopian-ah oo kusoo jeeday Caasimadda. 

Ciidamada Ethiopian-ka ayaa sida caadada ahba qaraxyadaasi ka dib gabi ahaanba hakiyey socodkoodii, iyagoona fariisin ka dhigtay ilinka hore ee laga galo Degmada, halkaasi oo ay ka bilaabeen baaritaano xooggan oo saameyn daran ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyadii dadka deegaankaasi. 

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho 

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: