Ciidamo Eritrean ah oo soo buux dhaafiyey xuduuda u dhexeysa Ethiopia iyo Eritrea, iyo dagaal laga cabsi qabo in uu goor dhow ka qarxo halkaasi.

Ethiopia & Eritrea

War Eritrea & Ethiopia

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya xuduudaha lagu magacaabo (Ädi kwala) iyo (Akale Guzay) ee u dhexeysa Ethiopia iyo Eritrea ayaa la sheegayaa in xuduudahaasi ay soo buux dhaafiyeen ciidamada dowladda Eritrea, gaar ahaan halka ay isku hor fadhiyaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa Eritriea ee ( Ädi kwala iyo Akale Guzay).

Dowladda Eritrea ayaa walaac ka muujisay arrintaani, iyadoona kucel celisay in ay Ciidamada Dowladda Ethiopia wadaan daan daansi oo ay marwalba kusoo xadgudbaan xuduudahooda, hadalkan ayaa Dowladda Eritrea waxay ku soo beegeysaa xilli ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah ku sugan yihiin Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo Isbuucyadii la soo dhaafay Muqdisho kala kulmay iska caabin xoog leh.

Dowladda Eritrea ayaa waxay waddaa qorshe ay ku dooneyso in ay kaga faa’iideysato iska hor imaadyada ciidamada Ethiopia ku haysta Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in mas’uul ka tirsan Dowladda Ethiopia uu ka cosaday beesha Caalamka in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Ethiopia ka wadaan xuduuda u dhexeysa Eritrea iyo Ethiopia.

Dowladda Eritrea ayaa maalmahamba waday olole ay ku eedeyneyso Ciidamada Dowladda Ethiopia, iyadoo lagu soo waramayo in ay sheegtay in Dowladda Eritrea ay rabto Ciidamada Ethiopia in ay weerar xoogan ku qaado bishan November inta aanay dhamaanin.

Sidoo kale dhaq dhaqaaq xoogan ayaa iyana kasocda wadanka Soomaaliya, kaasoo lagu soo waramayo in magaalooyin badan oo ka kala tirsan gobolada Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo taabacsan Maxkamadihii Islaamka amaba Isbahysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

SomaliSwiss Eritrea

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: